Masuuliyiin Booqday Dhismaha Wadada Tabca Ee Sanaag Iyo Marwo Yaasmin Ilka Case Oo Dahabkeedii Ugu Deeqday Dhisamha Wadada

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Sahal Maxamed Jaamac, oo uu weheliyo maareeyaha hay’adda wadooyinka ee Somaliland Axmex Yuusuf Maxamed ayaa soo kormeeray waddada Tabco ee gobolka Sanaag.

Sida uu ku soo waramayo wariye Maxamuud Maxamed Xasan (Saraaf) oo wakaaladda wararka Somaliland ee Solna uga soo warama gobolka Sanaag, wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, maareeyaha hay’adda waddooyinka iyo guddoomiyaha gobolka Sanaag kormeer ku soo mareen waddada Tabco oo isku xidha magaalada Ceerigaabo iyo magaalo xaabeedyada gobolkaasi, taas oo ay dadka deegaanadaasi ka wadaan hawlo lagu dhisaayo wadadaas, gaar ahaan deegaanka Karin ee wadadaas laga galo iyo deegaanka Rugay oo ah halka laga soo baxo waxayna masuuliyiintaasi warbixino ka dhageysteen masuuliyiinta gacanta ku haysa hawsha wadadaas.

Waxa isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo sheegay in ay doorkooda ka qaadanayaan ka gobol ahaan hawlaha wadaas lagu dhisayo, isaga oo intaas ku daray in waddadaasi halbawle u tahay isu socodka gobolkaas.

Geesta kale, wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Sahal Maxamed Jaamac iyo  maareeyaha hay’adda wadooyinka ee Somaliland Axmex Yuusuf Maxamed, oo halkaas ka hadlay ayaa ballanqaaday 75 foost oo shiidaal, hal iska rogo iyo agabka laga shaqaynao, iyagoo dadka deegaankuna uga mahad celiyey masuuliyiinta kormeerka ay ugu tageen.

Wasiir ku xigeenka waxa uu ka xogwaramay waddada isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco, oo uu xusay in ay meel wanaagsan marayso, wuxuuna intaas ku daray in wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku ku hawlan tahay sidii loo horumarin lahaa waddooyinka dalka guud ahaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker