Saddex Qof Oo Ku Geeriyooday Roob Maanta Ka Da’ay Magaalada Hargeysa

Alle ha u naxariistee Saddex qof ayaa ku geeriyooday roob galabnimadii maanta ka dhacay magaalada Hargeysa ee Caasimada  Somaliland.

 

Laba ka mid ah saddexda qof ee Geeriyooday ayuu qaaday dooxa weyn ee Hargeysa, halka qofka saddexaadna Laydh ama Koronto ku dhagtay, sida uu  xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed.

 

Roobkan oo watay dabayl ayaa caasimada Hargeysa ka bilaabmay ku dhawaad saddexdii galabnimo waxaanu qaaday ku dhawaad lixdii makhribnimo ee maanta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker