Oodweyne News - Latest Somali News Update

Maanta Oo kale, 29-MAY-1988-Kii,, Ciidankii SNM Ee Galay Magaalada Cadaadley & Taliyihii Hoggaaminayey Ciidankaasi.

Subaxnimadii 29-MAY-1988-Kii, waxaa tuulada Waabo-Cado, ka dhaqaaqay Ciidan laga soo dheegay, Qaybtii Aaga Makka, oo ka koobnaa labba Guuto iyo hal urur. Guutada Sayid Cali, Guutada Barkhad iyo Ururka Sh,Sancaani. Ciidankan oo uu hogaan-kooda guud ahaa Muj; Xuseen Axmed Guueed, waxayna xadka ka tallaabeen, sagaalki iyo badhkii subaxnimo ee isla maalintaas, iyagoo xuduuda ka soo galay Tuullada labbi-Sagaale. Waxay Ciidankaasi Maalintii oo dhan ay soo socdaanba, Shantii galabnimo ee maalintaas ayay soo gaadheeen meelihii ay beegsanayeen. waxayna xabbadii ugu horeysey ka dul-sanqadhay, illaaladii faqashta ee fadhiyay meesha la yidhaahdo, Weeraarta. Wax yar ka dibna waxat SNM-tu, weerar ku eekeeyen, Taliskiii Qaybta 12aad, iyo Xeradii Guutada 86aad ee faqashta. Gabalka ayaa isugu dhacay ilaa 11 habeenimana, dagaalku wuu socday. Markaas oo ay labbadii ciidan dib u kala gurteen ilaa waaberiga

Ninkan aad aragtaan waa Muj Xuseen Axmed Guuleed (Xuseen Dheere) Alle ha u naxariistee. Taliyihii hogaaminaayay Ciidamadii SNM ee Cadaadley galay, maanta oo kale 27 sano ka hor 29.MAY.1988.

Muj. Xuseen Dheere

Arooryadii 30-MAY-198-kii ayay Ciidankii faqashtu, dagaal rogaal celin ah soo qaadeen, lakiin Xaq udirikii SNM ayaa jilibka u laabay, waxaana dagaalku maalintaas socday todobadii Subaxnimo ilaa labbadii duhurnimo, markaas oo ay ciidamadii SNM, gacanta ku wada dhigeen, guud ahaan Cadaadley iyo xarumihii Ciidanka faqashta ee halkaas ku yaalay.. Waxayna ka furteen hub farabadan oo isuga jira, Rasaas, Qoryo, Baabuur gaashaman,iyo diraysba.

 

Guuldaradii Maalintaas Ciidankii Faqashta ee Cadaaadley fadhiyay gaadhay, waxay sababtay inuu is dilo Taliyihii Ciidankii Cadaadley fadhiyay ee Qaybta 12aad. Ninkaas oo la odhan jiray General Kaahiye.Haddaba sarkaal ka mid ahaa saraakiisha ciidankii faqashta lakiin darajo ahaan ka hooseeyay General Kaahiye, gurmadna loogu diray maalintaas Cadaadley, ayaa wuxuu ka waramay sidii uu dhintay General Kaahiye, iyo jabkii maalintaas gaadhay ee uu Generalku qaadan kari waayay. Wuxuu sarkaalkaasi haddalkiisa ku bilaabay “Markii aan gurmadka ugu baxnay Cadaadley, waxa naga hor yimi Gen. Kaahiye oo wata gaadhi Landcruser ah, wuxuu noo horgalay dhinaca cadaadley, Ciidanka aan watay ee gurmadka ah waxay wateen ilaa 120 gaadhi oo gawaadhida gaashaaman iyo saanad Milateri iyo sahay dhamaystiran. Goor casar ah ayaan galay Cadaadley oo dagaalku socdo, waxay xaaladu u ekayd mid faraha ka baxday oo u muuqatay in xataa saraakiisha ciidanku is wada khilaaftay, taas oo ay sabab u ahayd guuldaradii dagaalka.
Waxan arkay gaadiidkii Tiknikada ahaa ee aan watay oo intoodii badnayd gubanayaan iyo xaaladii oo aany waxba iska bedelin in ay kasii xumaato mooyee, marka ay noqoto jaran-jarada ciidanka wuxuu ahaa Kaahiye sarkaal wax badan noo dhexeeyeen, aniga iyo isagu isma soo gaadhneen, balse waxay u muuqtay in xaalada dagaalku sababtay in jaran-jaradii ciidan ee noo dhaxaysay aanay meesha jirin.

Gen. Kaahiye kuma qanacsanayn guuldarada soo waajahday ciidankiisa ee gurmadkayagii waxba ka tari waayay, wuxuu u lebisnaa sida Generalada ciidamada Maraykanka, wuxuu caan ku ahaa inuu xidhto laba Bastooladood, mana uu dhigi jirin qoriga iyo Baaga ay ciidamada Maraykanku ku qaataan dhabarka, maalintaa waxba kuma ahayn in uu cida la hadasha madaxa ka toogto, wuxuuna isaga laftiisu waa Gen. Kaahiyee ridayay rasaasta, wuxu bixinayay awaamiir khaldan, isagoo toos ula hadlayay Gen. Moorgan oo ahaa Taliyihii Qaybta 26aad, warbixinta uu bixinayay, ayaa ahayd mid ka been sheegaysa xaalada dhabta ee goobta dagaalka ee aanu joognay, taas ayaa keentay in isagana awaamiir khaldan la siiyo.
Awood uma aan lahayn in aan Gen. Kaahiye kala hadlo xaalada dagaalka oo marba marka ka danbaysa ciidankayagii sii diciifayo khasaaruhuna sii badanayo dhinacayaga. Laakiin anigoo ka faa’idaysnaya meel aanu qaraabo ka ahayn iyo aqoontii aan u lahaa, waxan iska ilaabay jaran-jaradii ciidan ee noo dhaxaysay, waxaana kula taliyay inaan ciidanka inta hadhay meesha ka saaro, wuxuu aad uga cadhaysnaa jabka nagu dhacay, wuxuu ka dhega adaygay taladii aan siiyay, waxaan isku deyay in aan u caqli celiyo si uu xaalada u garwaaqsado, waxan u sheegay in waxa nala dagaalamayaa yihiin Jabhad oo ay iska tegei karaan beriba, laakiin aan xaalada dagaalka wax ka bedelo oo badbaadino ciidanka markii aan arkay in aanu dhegaysanayn sheekooyinkaa, waxaan u sheegay in aanu ku mashquulin awooda ciidan ee uu haysto iyo sida ay jabhad yar u galeen quwadii uu watay.

Gen. Kaahiye waxaas oo dhan muu dhegaysan, wuxuuna ku jawaabay aniga ayaa difaacaya, isagoo cadho weyni ka muuqato, balse markii danbe waxa khasab noqotay in aan ciidankii meesha ka saaro, isagana garbaha soo qabano oo gaadhigiisa khasab ku saaro, markii aan goobtii ka baxnay si loo tiriyo ciidanka, isla markaana dhaawacii iyo wixii maqan loo ogaado waxaan istaagnay meel.

Gen. Kaahiye, wuxuu ka degay gaadhigiisa, wuxuu dhabarka u jiifsaday geed aan sidaa uga fogayn goobta aan ku nasanay, wuxuu iska furay Baaggii dhabarka oo uu barkaday, weysadii Biyaha ahayd ayuu madaxa iskaga shibayay. Mid ka mid ah saraakiisha yaryar ee ciidanka ayaa ii keenay shaxdii uu raashinka ku qaybinayay si aan u saxeexo, mar keliya ayaan maqlay rasaas geedkii uu Gen. Kaahiye jiifay ka dhacday, waan kusoo cararnay, wuxuu khaarajiyay naftiisa, isagoo qorigii uu sitay intuu labada lugood dhexgashay beerka u jiifa, isla markaana dhuunta iskaga qabtay sidaana ku khaarajiyay naftiisa, waxay nagu noqtay naxdin iyo amankaag, balse waan filayay sida uu u fekerayo iyo jabkii nagu dhacay inuu go’aan khaldan qaadanayo, ka dib markii uu garwaaqsan waayay guuldaradii dagaalka.

Maydkiisa ayaan usoo qaadnay dhinaca Magaalada Hargeysa si loo geeyo Taliska qaybta 26aad, Raadiyaha ayaa layga weydiiyay, waxan ku jawaabay xaggiina ayuu kusoo maqanyahay Jenankii, sababtoo ah haddaan ku jawaabo wuu seexday oo macne ahaan noqonaysa wuu dhintay, waxan ka cabsi qabay in ay SNM-tu fahmaan, maadaama ay Raadiyaha iyo isgaadhsiinta nala dhegaysan jireen.” Ayuu yidhi Saraalka ka sheekeeyay dhacdadaa, wuxuuna xusay in Maydka Gen. Kaahiye la keenay Qaybta si loogu qaado dhinaca Magaalada Muqdisho oo aas qaran loogu sameeyo sida qorshuhu ahaa, balse nasiibdaro habeenkii maydkiisa la Keenay, waxa isla habeenka 31 May 1988, soo galay Hargeysa ciidamadii Jabhada SNM, waxaana suurta gal noqon weyday in Maydka Gen. kaahiye iyo saraakiil dhaawac ah loo qaado Muqdisho.

Sawkii Hadraawi lahaa ”Jannanada dur duurta ah hadaan daadku soo qubin”. ”Ninka dabin ka boodka hadaan diirad lagu helini”,haddaan shaashka darajada dalacaada laga nixin.

Ciidankii maanta oo kale 29.MAY.1988-KII ,Cadaadley galay, saraakiisha hogaaminaysey, oo badnaa waxayna ka xusi karnaa oo ka mid ahaa.

Muj: Xuseen Axmed Guuleed,( Xuseen dheere). oo ahaa taliyihii Ciidankaas.

Muj: Axmed Xasan (Waysa-cade). Taliyihii Guutadada Sayid Cali.

Muj: Ahmed Jama Saban ( janan oogo). Aaan-duulihii Guutada Sayid Cali.

Muj: Maxamed Ismaciil taliyhi Guutada Barkhad

Muj Aadan Dheere taliyihii Ururka Sh. Sancaani.

Muj Yuusuf Gadhle.

Iyo Sarakiil iyo Mujaahidiin kale oo baddan, oo aynaan halkan ku soo wada koobi karin. Illaahay waxaynu uga baryaynaa inuu u naxariisto kuwii dhintay iyo kuwa noolba.

W/Q. Suleyman Yusufdhakhtar