Laba dhibaato oo aad u culus oo haysta dalalka Afrika!

1. Gumaysigii reer Galbeedku ku hayay oo aan dabar go’in; si casriyaysan oo habaysan ayay reer Galbeedku Afrika u dhiig-miirtaan;

 

2. Reernimada iyo siyaasadda isku milantay oo abuurtay siyaasi dib-u-socod ah, u nugul gumaysiga, ay ka maqan tahay damqashada shacabkiisu oo aan lahayn karti uu wax kaga qabto baahiyaha haysta dadkiisa.

 

Labadu way is-kaashadaan. Reer Galbeedku si ay u gumaystaan Afrika waxa ay buunbuuniyeen reernimada (qoomiyadaha). Waa arin u sahlaysa in ay dadku kala qaybsanaadaan. Aqoonta iyo werinta taariikhda waxa udub dhexaad looga dhigay reero. Bal eeg taariikhda Soomaalida oo loo dabo fadhiisto (nasiib darro) I. M. Lewis oo u yimi Somaliland si uu u sahamiyo dadka dhulka degan si uu ugu warceliyo gumaystaha habka u fudud ee gumaysigu u xididaysan karo. Maanta aqoon yahan kastaa Lewis ayuu xigtaa. Bal eeg kuwa hada weriya taariikhda Somalia (1960-1991) ee isku daya inay ka faalloodaan wixii burburiyay. Waxa xudun u ah reernimo iyo inta wasiir ee reeruhu kala haysteen.

 

Hada lafteeda si faro-gelinta cidda qudh ah u danta ah ee reer Galbeedku ay u sii xoogaysato oo Afrika khayraadkeeda iyo dadkeeda looga faa’iidaysto weli aqoon tebiyaha iyo aqoon abuuraha reer Galbeeed oo ay ku daydeen kuwa Afrika waxaa ay buun buuniyaan reernimada (qoomiyadaha).

 

Sir kale ayaa taas ku jirta. Meel walba dadku waxbay ku kala duwan yihiin. Taasi waa qurux, mana ah wax la bedeli karo, sida Eebe ku  sheegay Quraanka. Balse in dad lagu fahmo oo keliya qoomiyadda/reerka ay yihiin waxa ay ka dhigan tahay in loo arko in Afrikaanku yahay dad aan caqli lahayn oo aan u fekeri karin si ka baxsan hayb. Waa yasid aynu aqbalnay, nasiib darro. Cidda inaga dhaadhicisay na waa reer Galbeedka.

 

Umadda Afrika ku nool waxa la gudboon laba arimood:

 

1. Inay aqoon ahaan xor ka noqdaan reer Galbeedka (epistemologically); iyo

 

2.  Inaynu kala fogeeyno siyaasadda iyo reeraha/qoomiyadaha. Ciddii dood ka qabta waan dhegaysanayaa, balse anigu ma qabo in dal horumar samayn karo, nabad jirta heli karo inta unugga dhaqaajiyaa yahay reer.

 

Reernimada/qoomiyadnimada dawladnimada gashaa waa caddaalad darro, boob, eex, qaraabo-kiil, wax-ma-garatada oo shaqada loo dirto oo dhasha adeeg la’aan. Waxaad ka cabanaysaa mid aan maqal raaci karin oo kursi wayn loo dhiibay. Dabadeed way dhacaysaa in cudurro la dawayn karo iyo gaajo aan gasiin loo waayn in dadkaagu u madho.

 

Jimce wanaagsan.

 

Guleed Axmed Jaamac “Dafac”

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker