Jawaab ku socata niman baaqay

Bismillaahi Alrahmaani Alrahim

Baaqa ay sheegayaan waxa uu I xasuusinayaa baaqyo hore oo aan la mahadin

Midho daray haddi aan duuduub ku liqi jiray doorkan waxaan hubsanayaa dirxi inu hoos jiro.

Waa xaalad-abuur iyo kicin dadwayne, Cadowga Sland wuu noocyo badan yahay gudo iyo debedba,

Niman u badheedhay inay wax qasaan oo fidno wadayaal ah, ayaa dhallinyaradan aan laba socon wixii dadkan iyo dalkani soo maray, marin-habaabinaayee ha laga qabto.

Arrintani waxay salka ku haysaa waa qabyaalad la soo casriyeeyey, kuwan is leh wax soo hadoodila oo dadka ku dhextoora, waxay ka soo jeedaan beelaha reer sheikh, oo gobolba laga soo qaaday intii xasadka iyo qabyaaladu indha iyo dhagahaba tirtay, waana tii lagu bartay intii Somaliland jirtayba.

Halkii uun baad ka miisteene wax cusub maydaan soo kordhin. waxa caado innoo noqotay in la yidhaa sideey reer hebel doorashado ku helaan siduu hebel madax u noqdaa, isku duuba ayuu dhaqaaqine, lugta jiida ayaau hore u soconne, dacaayado ku fura oo magaca ka dila oo dadka ka horkeena.

Hadana waxay yidhaahdaan maxaa la qabtay, maxaa qaban sowdigan kalladh haysta madaxweyne kasta oo yimaaddaba.

Beelaha darafyada waa laga yaabaa mid mid iska mucaarid ahaa oo dacarta lagu soo kiciyey inay ku jiraan, laakiin waa dad dantooda yaqaan oo muwaadiniin ah, sharaf baanay iga mudan yihiin.

Waxay maalmahan hal-hays ka dhigteen xaggaynu u socona?

29 tan sanno ayeynu dawlad ahayn maxaa la qabtay?

Waxa ka maqan oo aanay ku xisaabtamin, ama is deedsiinayaan in 10 sannadood oo ka horreeyey 29tan sannadood eed ka hadlayaan in lagu soo jiray dagaallo lagaga soo horjeeday cadowgii dheeg-miiratada ahaa ee afweyne, burbur iyo dhagar joogto ah, boob iyo dhac, dil iyo geeri joogto, xasuuq iyo dhac cadaw tinimo.

Waxii la dhaxley maxay noqotay ma is weydiiseen?

Ma khasnado shixnadan baa la dhaxlay?

Ma magaalooyin dhisan oo waxwalba yaallaan baa lagaaga tegay?

War-laawoow waxaynu dhaxalnay dambas,

Waxaynu dhaxalnay ciiddii dhulka oo ay daadsan yahiin maydadkii iyo dhiiggii dadku.

Iyo intii dad Allah ka sabato saaray, oo wax badani yihiin naafo liidata iyo dhaawacyo halis ah oo aan daawona loo hayn watigaa.

Waxa kale oo aynu dhaxalnay:

Cagta go’an lugaha iyo gacmaha gabawar duugoobay.

Naafada garbaha kaashatee sumucu googooyey (Ab.hadra).

War-laawe, sideed ugu muusanawdaa 29tan sano oo la waday kabkabkii iyo nab-nabkii, dhan-celintii, soo naalayntii iyo nabadeyntii muddada dheer socotay.

Mayaad is illoowsiinaysa dagaaladii sokeeye ee tobanka sannadood in ka badan dib kuu riday.

Ummad yahay waxbaa gegmane wax isku geegaysta.

La soco qaybaha dambe, haddii Allah yidhaah.

Waxa qoray:.

Mohd. A. Farah(Indha-cawl)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker