Xaqiiqda Cilmi ee Mashruuca Jiif-oo-Jaq “Pyramid Schemes”

Sida lamidka ah sida dadka intooda badan, waxaad leedahay rabitaan ama doonis aad lacag ku sameyso. Waxaad u diyaar garoobi inaad maalgashi samaysato taas oo ay kugu riixayso doonistaada ku salaysan inaad lacag hesho.

Hadaba adoo ku raadjoogaa maalgashigaas aad doonayso inaad lacag ku samayso waxa haboon inaad wax ka ogaato hababka maalgashiga iyo sida ay u shaqeeyaan, taas waxay kaa ilaalinaysaa inaad ku dhacdo mid kamid ah khiyaamooyinka ugu caansan dunida ee lacagaha ama hantida lagu kala lunsado.

Habkan khiyaamada ah waxa ay soomaalidu u taqaan Jiif oo Jaq (Pyramid Pchemes) waana noocii ugu horeeyey ee iyaga xoog u saameeyey umana laha waxa aqoon ah oo durugsan waxayna ku timaadaa noocyo iyo qaabab kala duwan oo marar badan lagu kadsoomi karo.

Qaybo kala duwan ayuu deegaanadeena  mashruucan kusoo maray waxaana ka mid ah:

  • Mashruucii sida hoose u socday ee dadka aadka u badan lacagta lagaga dhacay kaas oo ahaa inta lacag cadaan ah loo dhiibo qof waliba dumar u badnaa la helo waxa loogu yeedhay macaash u dhigmayey laban laab lacagtaas aad dhiibtay. Lacagtaa aad dhiibtay may jirin cadayn ama dukumenti sheegaya inaad lacagtaas dhiibtay iyo xiligad dhiibtayba, waana ta laga keenay magacan Jiif oo Jaq.
  • Mashruucyo dhowr ahaa oo ah,  nooca shay aan qiimo lahayn qiimo laagu yeelo kana mid ah noocyada khiyaamadan waxaana laga xasuustaa.
    1. Kaawiyadihii aadka u qadiimiga ahaa ee la odhan jiray waa lakala iibsanyaa
    2. Diinkii isagana lakala iibsan jiray.
  • Mashaariicda baryahan dambe socotay ee loogu soo hoos gabanayo suuqyada sarifka lacagaha qalaad (Forex).

Si aad ugu badbaado khiyaamooyinkaas waxan halkan kuugu soo koobayaa intii tamartayda ah arimo ay tahay inaad is waydiiso aanad waydiiso cida mashruucaas kuu soo bandhigta ama wada, waxaana aan filayaa hadaad isku daydo inaad intaas isticmaasho inay wax badan kuu kala cadaan doonaan.

Sifiican uga fikir macaashka lagugu soo celinayo mudada aadka u gaaban.

Nidaamkan waxa uu ku bilowmaa hal qof, qofkaas ayaa isaguna keena dad kale si ay iyaguna lacag u keenaan ama waxa ay ugu yeedhaan maalgashi uu samaysto.

Balanqaadka laguu samaynayaa waxa weeye in laguu sheego in macaash fara badan lagu siinayo oo ay kuuso saartay lacagtaadii inta badana kala badh ama ka badan ah, hadaba waxaad hubisaa sida maalgashigan loo sameeyey.

Maxaa macluumaad ah ee xaqiijin kara maalgashigan?

Maalgashiyadii kaa horeeyey maxay soo saareen?

Hadii su’aalahaas aad ka waydo ama ay jawaabtoodu noqoto ‘Maya’ ogow waxbaa qarsoon sir baana ku jirta waana inaad iska ilaalisaa ama ka fogaataa.

Iska hubi shayga ama adeega la iibinayaa inuu yahay mid qiimo leh.

Nidaamyada uu mashruucani ku yimaado ayaa waxa ka mid in layidhaahdo alaab ayaa la iibsanayaa waana waajib in qof kasta oo xubin ka noqonayaa uu iibsado alaabtaas.

Hadaba alaabtaas waxay u badantay mid aanad adigu baahi u qabin hadii aad suuqa caadiga ah gaysana aanad suuq u helaynin.

Marmarka qaarkood alaabtan maba aha wax qiimo dabiiciya leh ee waa alaab qiime macmal ah loo sameeyey.

Waxaana marar badan dhacda in alaabtan aanay iyagu haynin ee kaliya iyagu ay iibsanayaan qofkuna intuu usoo qaatoo si xor ah ay iyagu ka iibsanayaan waana qaab kale ayna badantay noocan in lagu dhaco waayo waxa uu u egyahay iib si caadi ah u dhacaya

Hadaba u sheega qolada mashruucan wadata inaanad u baahnay alaabtan ama ay si fiican kuugu sharaxaan macnaha ku jira alaabtan aanad u baahnayn.

Ama hadii ay iyadu iibsanayaan waxa ay ugu dan leeyiin alaabtan aan hore wax qiimo ah u lahayn.

Hadaad jawaab sax ah ka waydo waa inaad iska ilaaliso kana joogsato.

Ogow Meesha iyo sida Lacagtaada loo Maalgelin doono.

Kaliya ha eegin lacagta lagu siinayo iyadoo lagu odhanayo waxa kuusoo saartay lacagtaadii oo aaanu maalgalin kuugu samaynay laakiin waa inaad ogaataa halkee lagu maalgaliyey,

waayo sida dabciga mashruucan uu yahay lacagaha dad laga qaado ayuun baa dad kale la siinayaa,

Waliba lacagta dadka hore laga qaaday ayaa dadka dambe la siiyaa waana nooca loo yaqaan ‘Kan hore ka qaad kan dambe sii’ ama afka qalaad (Ponzi scheme).

Markaa fadlan haku kaaftoomin lacagtaas laakiin ogow halkay ka timid hadaba hadii qolada mashruucan wadataa ay arinkaa jawaab sax ah kaa siin waayaan ama ay jawaabta noqoto ‘Maya’ fadlan ka fogow arinkaa wallow lacagta lagu siinayaa haba badnaato.

La soco sida maal gashigu u shaqaynayo.

Maalgashade ahaan ma aha inaad ogaato oo kaliya cidda maalgelin doonta lacagtaada iyo sida, laakiin waa inaad sidoo kale la socotaa sida maalgashigu u shaqaynayo. Waa inaad weydiisataa caddeyn ku saabsan maalgashiga. Hadday ku siin waayaan, waa calaamad hubaal ah oo laga yaabo inaadan awoodin inaad isha ku hayso oo ay u badan tahay khayaano.

Waayo lama arag maalgashi iska socda hadhowna lacag iska go’an lagu siinayo, Hadaba fadlan iyadana ka fogow markaad arimahan aragto

Maxaa maalgashi lacag badan soo saaraya dadka loogu yeedhayaa.

Su’aasha Meesha taala ama ay tahay inaad iswaydiiso maalgashade ahaan waxa weeye,

Maxaa hadii maalgashiganu uu soo saarayo lacag aad u fara badan dadka oo dhan loogu yeedhayaa?

Waayo sida dabciga ah hadii lacagtan badan ee soo noqonaysaa ay run tahay way yaraan lahayd inay soo dhaafto dadka howsha wada ama asxaabtooda amaba eheladooda,

Markaa ma jirto qof ama koox fursad dahabiya oo ay haystaan shaarica ama badka soo dhiga dadkana ugu yabooha.

Hadaba maalgashade su’aashaas iyaga toos u waydii hadii aad jawaabta aad doonayso aad ka waydo  ee ah tan aan kor kusoo sheegay fadlan ka fogow kana digtoonow.

Maxaa uu maalgashigani u yahay mid bilaa khatar ah.

Sida ay cilmiyan tahay lacag kasta oo maalgashi lagu sameeyo ama shaqo gasho waxay wadataa khatar taas oo ka dhigan in lacagtaas macaashkii laga rabay la waayo ama marar badan raasamaalka laftiisii la waayo ama qayb ka mid ah la waayo.

Hadaba siday suurto gal utahay in uu qof kuu balan qaado maalgalin bilaa khatar ah kuuna sheego waxkasto oo dhaca macaash noocaas ah ayaad helaysaa.

Fadlan maalgashade su’aashaad toos u waydii.

Ka taxaddar in laguugu sheego fursad nolosha hal mar kusoo maraysa.

Maadaama qolada mashruucan wadaa ay jecelyiin inay dad badan soo jiitaan waxay isticmaalayaan farsamo kasto oo suurto galinaysa inay lacagtaada helaan, waxayna isku dayayaan inay dareen kaaga kiciyaan.

Waxa laguu sheegayaa inay tani tahay fursadii noloshaada ayna tahay inaaad ka faaidaysato, halkaas marka ay marayso dib u joogso isna waydii sidee qof kuugu sheegi karaa fursada nolashaada ku jirta.

Sidee maalgashigan dib looga noqon karaa

Sida ganacsigu saamigu ku dhisanyey qofku saamigiisa uu maalgashaday waxa uu awoodaa inuu dib ula soo noqonkaro ama dib usii iibin karo, hadaba inta aanad maalgashiga samayn ka fikir dib ula soo noqoshadaas ama afka qalaad loo yaqaan (Exit strategy).

Hadaad aragto inay aad u adagtay inaad lasoo noqota maalgashigaaga ama ayna suurto galba ahayn inaad lasoo noqoto ka digtoonow Meesha waxa yaala khiyaamo

Waxa qoray: Mohamed Haibe Mohamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker