Tallooyin muhiim ah oo ku socda guddida Covid-19

La tacaalidda xanuunka COVID-19 waxaa durba laga baranayaa casharro. Sida loo xakamaynayaa waxay ku xidhan tahay arrimaha ay ka mid yihiin: dhaqaalaha waddanku haysto, sida ay dawladdu ugu jawaabto iyo doorka ay ka ciyaaraan dadku. Waddamada qaarkood sida Taiwan waxay awoodda saareen inay xakameeyaan fiditaanka xanuunka ee bulshada, ilaa xadna way ku guuleysteen. Guushaas waxaa xuddun u ah casharro laga bartay xanuunkii SARS ee dillaacay 2003 oo la fuliyey iyo dadkooda oo dawladdooda ku kalsoon. Kuwo kale waxay awoodda saareen in bulshada wax la baro laguna aamino inay is basriyaan. Ciddii fulin wayda talooyinka la siiyeyna, tallaabo ayaa laga qaadayaa. Sweden ayaa qoladan tusaale fiican u ah. Ku darso oo waddamadan ay ka mid yihiin Taiwan iyo Sweden dhaqaalahoodii way ilaaliyeen intii karaankooda ah. Ganacsi badan weli way furan yihiin. Kuwo kale oo Afrika u badan sida Tanzania iyo Burundi way ka dhego adeygeen inay wax ka qabtaan fiditaanka xanuunka. Inkasta oo aanay dad badan baadhin, warar badan waxay sheegayaan in dadka dhimanayaa ay aad u kordheen.
Waddamo kale waxay is tuseen in la xidho dhamaan ganacsiyada aan aas-aasiga ahayn si looga bedbaado in dadka mar u soo dhacaya xanuunka ay ka betaan sariiraha cusbitaaladda ee loo hayo (ICU beds). Waddamadan waxaa ka mid ah Maraykan iyo Ingiriiska. Inkasta oo dad badani ka dhinteen, dhaqaalohoodiina dhulka taabtay, hadda waxay aaminsan yihiin inay ka bedbaadeen dhibaato ka xumaan lahayd. Waddanka ingiriiska oo aan marti ahaan ku joogo dadku si fiican ayey farriimaha u qaateen oo waxaan is leeyahay casharada ay barteen muddo ayey ku sii dhaqmi doonaan. Aad bay u yaraadeen dadka jebinaya talooyinkii la siiyey.
Dhinaceena marka aynu u soo noqonno ma hayno dawlad innagu qasabta inaynu xereeno sida China. Dad ahaanna uma diyaarnihin inaynu talada qaadanno sida Sweden. Meelahaas ayeynu afur wadareed, xafladaha ciidda iyo shirar kale ku qabsannaa. Weliba dadkaas waxaa samaynayaa waa dad masuuliyihiin ah oo dad badan ku dayan karaan. Dad badan oo soomaali ah ayaa ugu geeriyooday xanuunkan waddamada qurbaha ee la filayey inay u dhaamaan waddankii sababo badan awgood.
Waxaa kale oo aan dareemayaa in agaasinka ka la tacaalidda COVID19 ay weli liidato.
Waxaan guddida COVID-19 iyo cidkasta oo ay khusayso u soo jeedinayaa in:
1. In awoodda la saaro sidii loo xoojin lahaa daawaynta dadka u soo dhaca xanuunka sida in la soo iibiyo ventilators iyo Ogsajiin ku filan.
2. In la bediyo mashiinada yaryar ogsajiinta (oxygen concentrators) si loogu isticmaalo dadka aan ogsajiin badan u baahnayn
3. In ganacsatada lacagaha bixinaya laga codsado inay iyagu soo iibiyaan qalabka marka loo cayimo noocyadooda. Shirkaduhu dawladda way degdeg badan yihiin, tuhunkuna wuu yaraanayaa
4. Ogaantay marar badan waxaa la waayaa saacadaha lagu furo haamaha ogsajiinta ee cabbira qiyaasta qofka la siinayo. Ku waas in la bediyaana waa qasab xilligan oo kale
5. In wacyi-gelinta la wado oo dadka loo sheego inuu qofku haddii uu jar iska xuurnoqdo oo uu ku danbaabi karo sidii qof is dilay oo kale ama qof kale dilay
6. In aad looga faa’iidaysto dhallinyarada suuxiyeyaasha ah (anaesthetists) waayo cid uga fiican siticmaalka ventilators-ka ma garanayo
7. Lagu dedaalo sidii qalabka lagu difaaco COVID19 (PPE) ay u heli lahaayeen shaqaalaha caafimaadku.
Aadam Haybe Faarax

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker