Somaliland Fariin Digniin Culus Udirtey uu beesha caalamka, Midawga Afrika, Urur gobeleedka IGAD

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland uu beesha caalamka, Midawga Afrika, Urur gobeleedka IGAD iyo dhammaan daneenayaasha nabadda iyo horumarka mandaqada geeska Afrika u caddaynayaa in ay gardarro iyo gabbood-fal tahay waraaqda ka soo baxday Xamar ee lagu xusay waxa loogu yeedhay doorashada Baarlamaanka dadka metalaya degaamada Somaliland. Waxana goluhu caddaynayaa in dadka ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Xamar aanay metelin shacabka iyo Dawladda Somaliland balse ay yihiin dad shaqo iyo nolol si iskood ah uga raadsaday Muqdisho, waxana Jamhuuriyadda Somaliland siyaasad ahaan iyo dawlad ahaanba ay wakiilatay goleyaasha kala duwan ee qaranka kuwaas oo loo igmaday xaqiijinta himilada shacabka Jamuuriyadda Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker