RAAGE UGAAS IYO AMAANTA FARASKII WALHAD

Farduhu waxay kamid ahaayeen gaadiidkii soomalidii hore ay ugu jeclaayeen waxay ku dheeraysan jireen oo mararka qaar xad dhaafin jireen amaantiisa, ilaalintiisa, daryeelkiisa iyagoo mararka qaarkood waayistooda ka tiiraanyoon jirey mararka qaarkoodna lexejecladiisu ay kala weynaan jirtey diinta eebe.
Waxa la arkay kuwii jacaylkooda ku dheeraystay oo diinta islaamka uga bixi gaadhay waayida faras ay jeclaayeen, sidoo kale waxaan aragnay sayidkii oo isna jacaylka fardaha waxwalba ka hor mariyey marka laga reebo diinta islaamka. Halkaas waxaan ka garanaynaa sidu waxwalba uga foolaadsanaa ee uu uga qaalisanaa soomaalida dhexdeeda.

Raage wuxu geeraarkan ku amaanayaa faras uu lahaa kaas oo la odhan jiray walhad wuxu ka amaanayaa faraskiisan dhinacyo badan sida quruxdiisa, dhaqankiisa, waxtarkiisa, firfircoonidiisa, feejignaantiisa xiliyada dagaalka waxaanu yidhi:
Geeraar waa nin wanaajiyiyo
Nin uu waraar kaga oodmiyo
Waadigiisa yaqaane
Walhadow faraskayga
Weedhyaroon ku amaanay
Wawga maan ka higaadsho.

 

Gamaan waa kala waare
Weehadow faraskayga
Wadhaf lagu xooriyo
Taarka laysku warqaadiyo
Ma waayeenka shukaantoo
Wanaag loogu qabtaa.

 

Wayraxoow camalkiisuna
Waraabkaan u kexeeyoo
Isagoon wali laacin
Anigoo wada mooyee
Ninkii hanta ka waabshiyo
Wallayskaa garab joogaba
Widhwidhkuu ku dilaaye
Wiyil qoodha miyaa.

Weedhaansho dhaqankiisuna
Ma wareego libaaxoo
Intuu neef ka wabsiiyey
Wid hadii layidhaahdo
Wankalaadi u booda
Dadka waabinayaa.

 

Werisow midabkiisuna
Cirka oo wadhanaayoo
Wahabkii laga qaadiyo
Ma waagoo sagliyaa.

 

Meel waylaaqtan col joogo
Wadnahaan ku kabaaye
Wiil eebe ku siiyiyo
Ma walaalkay rumaa.

 

Waran waaxyaha gooyiyo
Waabay qaarka madow iyo
Riddo soo widhwidhaysiyo
Wanjeefkeeda rasaastuu
I weydaarinayaaye
Ma wadaad xigtadaayoo
Wanaagii arbacuunka
Weligiisba yiqiinoo
Wan intaaad u qashay
Waduxaaga quraankiyo
Welleyl kuu akhriyaaya.

 

Hadaan heego ku weeran
Ka wareeji idhaahdo
Wejiguu ambiyaaye
Madaxuu kor u waabin
Indhuhuu ka wigsiiyo
Wiyic waayi curaafiyo
Ma waxsheeg sixir baa.

 

Hadaan ooda ka weecshana
Wa wareeji idhaahdo
Wadankaanku shakaalo
Ma weydaaran yaqaane
Ma wanaagsane gabdheedoo
Waalli kuu gogoshoo
Wareegaysa dushaadoo
Wacdigaad ku lahaydiyo
Waanadii aqbashaa.

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker