Degmooyinka Somaliland Ma U Siman Yihiin Qasnadda Dawladda?

Bisha May 18keedii 2020 ayey dhalinyaro ka soo saareen Hargeysa baaq la baxay “Baaq Shacab”, kaasoo u soo jeediyey dawladda Somaliland inay dalka ku soo dabbaasho himiladii shacabka ee ahayd qaran ku dhisan caddaald iyo sinnaan.

Jawaabtii dawladdu waxay noqotay in wasiiro ku tilmaamaan baaqaas mid ay soo maleegeen dad Somaliland diid ahi. Waa hadal muhmil ah oo dhan loo qaadaa adag tahay tahay.

Arrimaha ku qornaa “Baaq Shacab” ma ahayn kuwo cusub, waxase cusbaa keliya dhalinyaro tiradaa le’egi inay qoraal sidaa u dhigan warbaahinta soo mariyaan.

Kolayba erayada caddaalad iyo sinnaan waa kelmado balladhan oo akhlaaqi ah, diini ah, falsafi-na ah; kolkaa ma aha mid lagu deg-dego falanqayntooda. Ilaah uun baa caadil ah.

Waxaynu se ka bilaabi meelaha ugu fahamka fudud sida: degmooyinka dalku ma u siman yihiin qaybinta dakhliga dawladda, siiba qasanadda dawladda ee cashuruhu ku soo xaroodaan? Xuquuqda shakhsigu ma heshaa xasaanad, xukuumadduna ilaaliso?

Qormadani ku dheeraan mayso ku tumushada xuquuqda shakhsiga, oo ah jawr-fal caddaaladeed, waxa inagaga filan warbixintii Amnesty International: Somaliland – Escalating Censorship, Harassment, Prosecution of Government critics; ee 4tii July 2019. Taasoo faahfaahisay xadgudubyada dawladda SL ee xorriyadda qofka.

Aan ku noqono dulucda maqaalka e’, sinnaanta degmooyinka waddanka, marka ay timaado qaybinta dakhliga ka soo xarooda cashuuraha kastamyada, oo ah ilaha ay badi dakhliga qasnadda dawladdu ka yimaado.
Qodobka 14aad ee Xeerka no. 12 ee sannadkii 2000, wuxu qorayaa, “Degmooyinka kastamada ku yaaliin waxay xaq u yeelanayaan in W/Maaliyaddu u qaado (10%) oo ay ku yeelanayso Cashuurta Guud ee Dawladda Dhexe (Customs Duty) ka qaado furdadaasi.”

Haddaba dalka labo degmo keliya ayey ku yaaliin kastamo: Berbera iyo Gabiley. Labadaa degmo ayaa xeer no. 12 siiyey bursi-dheeraad ah oo ay ka qaataan qasnadda dawladda. Sababtu wax kale ma aha, waxa ku yaal kastam cashuur lagu qaado. Ma tahay sabab macquul oo lagu qanco? Ogow in meel kasta kastam noqon karto.

Waxa intaa raaca in degmooyinkaasi ay ka qayb-galaan kabka (12.5% dakhliga cashuuraha) ee dawladda dhexe u qaybiso degmooyinka dalka. Waxa kale oo intaa dheer in shaqaalaha wasaaradaha ee ka hawl-gala degmooyinkaas, sida degmooyinka kaleba, ay dawladda dhexe bixiso kharashkooda.

Hadda bal garoo, badeecadda soo marta kastamyadaas, cashuurta lagaga qaado ganacsatada waxay u soo gudbiyaan macaamiisha (customers/consumers). Qof kasta oo gasiinta kiiloo raashin ah oo ka soo degay furdada Berbera, ama ku qayila mijin qaad ah oo soo martay Kala-Baydh (Gabiley) ayaa bixiya cashuurta ku xaroota qasnadda dawladda. Ma aha lacag ay Berbera iyo Gebiley gooni u bixiyeen.

John Rawls (1921 – 2002) oo qoray buugga Thoery of Justice, laguna tixgeliyo aragtidiisa cadaaladda dawliga ah, wuxu u dhigay qaacidooyin kooban. Wuxu yidhi si loo helo caddaalad waa in mujtamaca loo habeeyo: (1) lama taab-taan inay tahay xuquuqda qofka sida tacbiirka fekerka iwm; (2) sidii dheef iyo fursdao badan loo siin lahaa dadka ugu baahi badan/tabarta yar (disadvantaged); (3) iyo haddii ay jirto in cid loo burinayo, waa in burintaas faa’ido ugu jirtaa mujtamaca oodhan (sida mushaharka oo loo badiyo dhakhtar naf badbaadinya).

Haddaba haddii lagu eego halbeegyada Rawls dhigay, caqliga caadiga ah iyo diinteena suubban ba, midna u cudur-daari maayo sed-bursiga dawladda dhexe siiso dawladaha hoose ee Berbera iyo Gabiley.

Waxa murugo leh, degmooyinka Berbera iyo Gebiley ma haystaan adeegyo bulsho oo dhaama kuwa ka jira degmooyinka kale. Musuqu waa dulmi, dulmiguna waa caddaalad-darro; isla markaana waa hafar loo geystay dadka ku nool degmooyinkaas. Hafarkuna waa dulmi.

Wasiirka Maaliyadda – Sacad Cali Shire – mar wax laga weydiiyey arrinkaas, shir ka dhacay Hotel Ambassador bishii January 2020, oo ay soo qaban-qaabiyeen machadka ISIR, wuu ka meemeeray bal inuu u qiil-baxsho 10%-ka sharcigu u qoondeeyey dawladaha hoose ee labadaas degmo.

Daw bay noqotay, in markaa, la is-weydiiyo ma loo siman yahay Somaliland? Wax kale ba ha joogaane, hortu, waa caddahay: dawladda dhexe (W/Maaliyadda) ee SL ma sinto degmooyinka dalka.

Yaabku se wuxu yahay in sinnaan la’aanta degmooyinka lagu xardhay sharciga (Xeer no 12, Qodob 14, ee xeerka cashuuraha).

Tixraac: https://www.amnesty.org/en/latest/news/2019/07/somaliland-escalating-censorship-harassment-and-prosecution-of-government-critics/

 

Wa bilahi Towfiiq

Maxamuud C/llahi Axmed
maxamuudaxmed@live.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker