Oodweyne News - Latest Somali News Update

ISKU DAALNAYE MAXAA INOO DAN AH? BY: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

Waa talo kooban oo maanta ii muuqata, haddii la dhinac marona waqtigu uun baynu isku dheeraynaynaa, dhaxalkuna wuxuu u ekaanayaa halkii hore looga socon lahaa in dib loo noqdo.
Talada ii muuqataa waxa weeye, maanta meesha Soomaaliyi taallo waynu aragnaa, soddon sano oo aan dawlad dadka wada meteshaa jirin ayaynu madaxa ka goyney. Waxa inoo dheer ku dhowaad toban sano oo ka sii horreeyey oo wixii hore loo dhisay la duminayey  oo burbur iyo kala irdhoow iyo colaado geyiga ka jireen. Afartan sano oo khasaare ah ayaynu badideennu isla qirsannahay (tabashooyinka gaarka ah marka gees la dhigo).
Maanta koonfur dawlad Xamar keliya ku filani xitaa kama jirto. Gobolladii koonfurta ee maamullada Federaalku ka jirey qaarkood iyo xukuumaddii Federaalku heshiis maaha. Degaammo badan Shabaab baa ka taliya, meelaha kale oo dhanna dhanka koonfurta gacanta kula jira oo qaraxyo iyo dilalna ka geysta cashuurna ka qaata. Waxa hadda ka aloosan Xamar xummaddii qabiilka oo siyaasiyiin iyo ganacsato dabada ka riixayaan.
Maamulka Somaliland muddo ayay gobolladii waqooyiga qayb ka mid ah nidaam iyo kala danbayn ka hirgeliyeen, halka gobollada waqooyi qaarkoodna diiddanaayeen maamulkaas goosashada ku dhawaaqay. Waxase xaqiiqo ah in amni iyo kala danbayn la isku hallayn karo “marka la barbardhigo koonfurta Soomaaliya” uu gobollada taabacsan maamulka Somaliland ka hir galay. Dadaalkii maamulka Somaliland wadey wuxuu maanta soo gaadhay meeshii ugu dambeysey oo dad fakhri ah oo aan la aqoonsanayni gaadhi kari lahaa. Halka ay maanta taagan tahay kor ugama sii kici karto, waayo wixii tamar iyo karti ay lahaayeen ee iyaga gacantooda ku jirtey oo dhan way soo isticmaaleen.
Muddadaa Somaliland ictiraaf la’aanta la xarbiyeysey, dadkeedu wuu sii kordhayey, baahida dadkuna way isa sii beddeleysey oo sii kordhaysey. Mar haddii tiradii dadku saddex laabantay (qiyaas ahaan), xukuumadduna tamarteedii gaadhsiisey meeshii ugu sarreysey, waxa halkaa ay taagan tahay ka dhaqaajin karaa si baahiyaha dadka looga jawaabo waa in lahelaa dawlad adduunka la falgasha oo la ictiraafsan yahay. Dawlad adduunka ka heli kara maalgashi caalami ah, bankiyo wax la deymiyo, dawlad wax la amaahin karo, deeq toos ahna la sin karo oo dawladaha xidhiidh toos ah la geli karta iyo mid wadareedba (bilateral and multilateral agreements), dawlad mashaariic horumarineed toos ah heli karta iwm. Hadalkoo kooban Somaliland waxay taagan tahay figtii ugu sarreysey ee garaafka, waxana figtaas hoos ka soo fananaya tiradii dadka oo badatay iyo baahidii dadkoo korodhay marka figta lagu kulmona hoos baa la isula soo dhaadhacayaa (the law of diminishing returns).
image.png
Maxaa talo ah haddaba. Mar haddii koonfuri haysato ictiraafkii dawladnimo ha yeeshee ay ku shaqaysan kari weydey, sidaa daraadeed ay khasaaraysay. Dhanka kalena Somaliland ay hayso kartidii iyo keni adaygii ay iyadoo aan la aqoonsanayn, degaanadii hore magaca Somaliland u wadaagi jireyna aanay fikirka goosashada ku midaysnayn, haddana ay suurto gelisay goobahay gacanta ku wada heysey inay ka hirgeliso amni, kala danbayn, iyo weliba adeeg bulsho (intii karaankeeda ah). Ha yeeshee Somaliland-na caqabadda dib u celinaysaa tahay ictiraaf la’aanta haysata, miyaanay habboonayn in turubkaa dib loo baandheeyo labada dhinacba.
Kartida iyo keni adayga Somaliland iyo ictiraafka Xamar yaalla ee la khasaareeyey dhexdooda miyaan talo laga raadin karin? Waxay ila tahay Simaliland hoos-u-dhicii garaafku waa xaqiiq maanta taagan. Waxaa ka markhaati kacaya, qareemmada baaqa soo saaray, dhallinyarada baaqa soo saaray, qaylodhaanta “Mar kale midnimo”, saluugga iyo ismari waaga xukuumadda iyo ururrada mucaaradka, jabhadihii kala danbeeyey ee sanaag, qabiilooyinka iyo suldaammada saxaafadda hadh iyo habeen taagan, kalsooni darrada beelaha ka dhex dhalatay ee degaamnada la isku haysto iwm. Waxan oo dhammi maaha khalad xukuumadda Muuse Biixi la wada timid, ee waa ceelkii oo biyo yareeyey iyo xoolihii oo oomman oo darkii ku kulmay.
Dhanka Xamar intii ay riwaayad isu dhigi karayeen way isu dhigeen, maanta waxay taagan tahay in kuwii madaxweynayaasha dalka ka soo noqday ay abaabulayaan wax u eg colaadihii qabiilka ee 1991kii, waxa muuqda haddaan Alle jid u furin in saacaddu dib ugu noqoto xusuuso la soo hilmaamayey, iyo boogo soo bogsoonayey oo la damqo, daawona aan loo hayn.
Gebagebadii: Sida keliya ee lagu badbaadin karaa dhammaan dadka Soomaaliyeed waa in “QOLOBA QOLADA KALE BADBAADISO”. Waa in reer Somaliland wixii ka dhinnaa soddonkaa sannadood oo ah ictiraafka Xamar ku dulman iyaga gacanta loo geliyaa madaxnimadana iyaga loo dhiibaa si ay ummadda Soomaaliyeed oo dhan uga faa’iideeyaan. Cidda maanta wax u unkan yihiin ee faa’iidada ugu badan ka helaysaa waa reer Soomaaliland maxaa yeelay waxa u tolan hadhuubkii ay wax ku maali lahaayeen oo ah amni iyo kala danbayn. Xukuumadda Xamar joogta ee ictiraafka dhaafsiin kari la’ gudaha Villa Somalia, ee karti darrada iyo aragti gaabnidu la degtayna waa inay ka faa’iidaystaan kartida iyo  keni adaygga reer Somaliland iyo khibradda soddonka sano wax lagu soo wadey.
Haddaan sidaa la yeelin oo talo cid walba u dan ah la gaadhin koonfur iyo waqooyi, waxa iman karaya waa waagoo horteenna ku barya iyo labada dhinac oo mid waliba iskii u dumo (Ilaahay kama dhigee).
Soomaalaay kala guuleysan weynee, waxa la soo gaadhay waqtigii aynu wada guulaysan lahayn.
Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
dalmarbilaal@gmail.com