Hambalyo Ciid Al-Fidri.

Waxaan marka hore u mahad celinayaa Ilaahay oo ah Macbuudka Xaqqa ah.
Dhammaan ummadda islaamka gaar ahaan bulsha-weynta reer Somaliland meelkasta oo ay aduunka ka joogaan,
waxaan idin ku hambalyanayaa munaasibadda Ciid AL-FIDRIGA.
Waxaanidin leeyahay:” Ciid mubaarak, kulu caam wa antum bikheyr, taqabbal alaahu minna wa min kum saalax
al camaal”.
Ilaahey ha inaga aqbalo cibaadadii suubanayde aynu soo gudaney bisha barakaysan ee Ramadaan, ciidan ciideeda
kale na Allah ha inagu gaadhsiiyo bash-bash , barwaaqo iyo nabad-qab.
Munaasbadda Ciida darteed ayaan dhammaan ummadda reer Somaliland gaar ahaan Madaxda Qaranka,
waxaan xasuusinayaa in Ilaahay inagu manaystay dal ay tahay inaynu ku faro-adeygno qaranimadiisa,
dowladnimadiisa. Ilaahay ayna ka baryayaa in uu ka yeelo Madaxweynaheena kii fahma nicmada dalkeena,
isla markaana adkeya cadaalada, sinaanta iyo nabada oo ah waxyaabaha ugu mudan ee mahuraanka u ah
jiritaanka dowladda Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan mar walba xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland kula talinayaa in aan marnaba la sahashan
qiimaha ay inagu kacdey qaranimadda iyo xoriyaddan aynu maanta dugsanayno, isla markaana wax walba in
laga horumariyo sidii loogu faro-adeygi lahaa ilaalinta danta guud.
Wax iga xasuusin ah in hanaanka geedi socodka dimuquradiyadda Somaliland uu weli marayo meel dhib badan
oo ka gudubkiisu uu baahanyahay isku duubni, dulqaad, waddatashi iyo shaqo ku salaysan aqoon iyo hawlkarnimo.
Ugu danbayna, waxaan idin leeyahay farxad iyo caafimaad ku Ciid.
Wabilaahi tawfiiq,
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani EE dalka Holland.
Mudane : Xiis Maxamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker