Xiisadda Masar iyo Itoobiya Ee Webiga Nile Oo Cirka Isku Shareertay

Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhexeeya Itoobiya iyo Masar ee salka ku haya biyo-xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.

 

Biyo-xidheenkaas ayaa Masar ay u aragto inuu yareyn doono biyaha Masar ay ka hesho webiga Nile, oo bixiya in ka badan 90% biyaha ay cabaan islamarkaana isticmaalaan boqolka milyan ee dalkaas ku nool.

 

Itoobiya oo iyana dooneysa inay koronto ka dhaliso biyo-xidheenka ayaa ku doodeysa inuu muhiim u yahay dhaqaalaheeda iyo horumarkeeda.

 

Wadahadallo muddo soo socday oo lagu doonayay in khilaafkaasi xal looga gaadho ayaan midho-dhal noqon, waxaana jiray hadallo kulul oo ay dhinacyada is-dhaafsadeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker