Wiil uu dhalay weriye Khashuqji oo sheegay in uu cafiyay dadkii ka dambeeyay dilka Aabihiis

Mid ka mid ah wiilasha uu dhalay  weriyihii reer Sucuudi ee Jamaal khashuqji oo layiraahdo Salah Jamal Khashqji ayaa cafis u fidiyey dadkii, Aabihii diley sida uu ku sheegay war qoraal ah oo uu soo dhigey barta Twitter-ka uu kuleeyahay.

Kooda u dooda xuquuqul insaanka ayaa dhowr mar ku eedeyey in boqortooyada Sucuudiga ay ka cagjiideyso in ay cadaaladda marsiiso, dadkii ku lugta lahaa dilka weriyeJamaal Khashuqji.

Dhinaca kale arrintan cafinta ah, ayaa waxaa ka soo hor jeesatay Khadiija oo ahayd gabadh u doonanayd weriye Jamaal, balse la dilay ka hor inta aanay aqal gelin.

Khadiija ayaa war qoraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa iyadana waxa ay ku sheegtay in aysan suurto gal ahayn, in la cafiyo dhiigga weriye Jamaal, oo loo baahan yahay in cadaaladda la hor keeno. Horaantii sanadkii 2018 ayay ahayd markii weriye Jamaal lagu dhex dilay safaaradda dalka Sucuudigu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker