Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Oo Shaacisay in Maalinta Sabtida Ay Ciid Tahay

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa caawa shaaca ka qaaday in Sabtida Beri ay tahay Ciidul-fidrigii, kadib markii bishii laga arkay Somaliland iyo dalalka Mandaqada Geeska Afrika.

 

Wasiirku wuxuu shacbiga Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda Ciida, waxaanu Ilaahay ka baryey inuu bulshada Somaliland ka aqbalo acmaashii ay soo sameeyeen bishii Barakaysnayd ee Ramadaan. waxa kaloo uu dadweynaha ugu baaqay inay dadka danyarta ah ka farxiyaan oo ay siiyaan sakaatul-fidriga.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker