UK Oo ka Hortimid In Doorashada Somaliya Dib Loogu Dhigo Sababo la Xidhiidha COVID-19

Ku-xigeenka wakiilka dowladda UK ee QM, Jonathan Allen oo khudbad ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka ee arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashooyinka la flayo inay sanadkan ka dhacaan Soomaaliya.

 

 

Allen ayaa sheegay in hadafka laga leeyahay siyaasadda Soomaaliya ee ah in sanadkan la qabto dooraasho qof iyo cod ah, iyo horumar laga sameeyo dib u eegista dastuurka ay yihiin kuwa aan weli is-beddelin.

 

 

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dowladda, baarlamanka, guddiga doorashooyinka, guddiyada isku dhafka ah iyo dowlad goboleedyada ay wada shaqeeyaan, islamarkaana ay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo loo dhan yahay, oo fududeeya in doorashada ay si dastuuri ah ugu dhacdo waqtigeeda.

 

 

“Ma jirto wax sabab ah oo cudurka COVID-19 uu u hor-istaagi karoi inuu dhaco diyaargarowga muhiimka ah ee doorashada. Waa in si deg deg ah loo shaaciyaa go’aanada muhiimka ah ee ku saabsan habka doorashada, qoondada kuraasta, qeexista deegaan doorashada, qoondada haweenka, arrinta Somaliland iyo maqaamka Muqdisho,” ayuu yidhi.

 

 

“Waa arrin wanaagsan inaan iminka maqalno in toddobaadyada soo socda aan arki doonno horumar laga sameeyey arrimahan.”

 

 

Danjiraha ayaa intaas ku daray in la joogo xilligii dowladda federaalka iyo mucaaradka ay meel iska dhigi lahaayeen khilaafyadooda islamarkaana ay isugu tanaasuli lahaayeen.

 

 

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu mar kale ku celinayo baaqa Golaha Ammaanka ee ah in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ka wada shaqeeyaan dhismaha Soomaaliya xooggan oo nabad ah.

 

 

Hadalka dowladda UK ayaa imanaya ayada oo ay jiraan warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu isku dayayo inuu cudurka COVID-19 qiil uga dhigto in muddo xileedka loo kordhiyo, taasi oo ay ka digeen mucaaradka iyo dowlad goboleedyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker