TACSI MADAXWEYNE: 22/05/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Muuse Giire Jaamac oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 22/05/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey mujaahid ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, kana mid ahaa halgamayaashii kaalinta ku lahaa dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena waxa uu ka mid ahaa odayaashii seeska u dhigay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker