Soomaaliya: Hoos u dhac ku yimid faafidda Xanuunka COVID-19

Kulanka ay yeesheen guddiga qaran ee ka hortaga cudurka covid-19 oo ahaa  qaab muuqaal ah oo loo adeegsaday Mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray qiimeyn  ku saabsan saameynta uu dalka ku yeeshay safmarka Covid19 iyo hoos u dhaca ka muuqda heerka faafidda cudurkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka jogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19, kaas oo looga hadlo arrimo dhowr ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare  Khayre ayaa Guddiga ka hortagga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee Cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa la dareemayay inuu bilaawday hoos u dhac ku imaanaya tirade dadka uu soo rito cudurka gaar ahaan gobolka Banaadir waxaana wali jira dadaalo lagu xakameynaya halista uu leeyahay covid-19 iyadoo guud ahaan dalka lasyka kaashanayo sidii dalka looga ciribtiri lahaa.

Guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaan Karoona ayaa gaartay 1,594 halka 204 ay ka bogsoodeen markii lala tacaalay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker