Karoonaha (COVID-19) Ka dib Nidaamka Waxbarashadda Somaliland Maxaa iska Beddeli Doonnna ( 2/3 )

Dunnida oo dhan 180 Dal ku dhawaad Ayaa  go,aansadey oo xidhey Goobihii waxbarashadda Safmarka Karoonaha Awgii laga soo billaabo bishii saddexaad ee sannadkan,ku dhawaad ardey (1 billion) ah ayaa xannuunkani saameeyey,arrintaasi oo albaabada u furtey in loo guuro loona wareegowaxbarashadda masaafada fog(Online Eudcation),taasi oo soo saartey fursad lagu mataaneyn karro wixii hadda ka danbeeya waxbarashadda iyo tiknolojiyadda.

 

Bandooga waxbarashadda la saarey ma noqon doonno mid u gaaban doonna una fuddud sida loo malleynaayey loona sahladey,isbeddelka waxbarashadda ku dhacey saameyntiisu waa mid wakhti dheer sii socon doonta,Waayo waxa la sheegayaa in aan saf markani horre u baxeynin si dhayal ahna ku tageynin wakhtina uu qaadan doonno,iyada oo caqabado badan lagala kulmi doonno xayiradaasi,fursaddo badana laga dhex raadin doono taasi oo saameyn ku yeellan doonta bahda waxbarashadda iyo daneeyayaasha waxbarashadda intaba,sidaasi darteed waa in bahda waxbarashadda somaliland ay il gaar ah ku eegaan xaalladaha haddalagu jiro,si looga gaashanto mustaqbalka waxa iman kara,diyaargarowgaasi oo u sahli doonna ardeyga iyo macallinkaba in waxbarashadu mustaqbalka weji kasta ku soo gaadho.

 

Qodobadan ina anfacaaya mustaqbalka waxa kale oo ka mid ah

1.     Ardeyda somaliland dhanka waxbarashada masaafada fog waxa kala soocey oo Kala reebay,agabyada tiknolojiyadda ,sida telefoonada casriga ah iyo khadka xawaaraha internetka,Mustaqbalka waxaan Rajeyneynaa in Ardey badani Telefoono iibsadan,Xaafaddo badani Khadka Internetka Ardeyda u soo xidhaan,Waxaan Rajeyneynaa in Ardey badani ay Mustaqbalka iibsan doonnaan Kumbuyuterada gacanta ee (Laptop) ka.

2.     Sheeko badan ayaa waxbarashadda somaliland ka soo socota kuna socota la xidhiidha sidii dalka loogu rari lahaa waxbarasho laba dhinac leh oo u hayaanta dhankaasi iyo tiknolojiyadda barasho ahaan iyo keyd ahaanba, iyada awooda tiknolojiyadda laga faa,ideysanaayo.

 

3.     Diyaar garow la,aan ayaa nidaamkan cussub ee deg,dega loo galay  innagu qabsadey,taasi oo sababtey in la isla wada heli waayo wakhtigii,dhaqaalihii,qalabadii, iyo manhaj casharo u diyaarsan masaafada fog,waayo waxbarashadda masaafada fog waxa ay leedahay manhaj u gaar ah oo kii horre ka duwan

4.     waxaan  rajeyneynaa in Macallimiin badani ay Qalabada Tiknolojiyada iibsadaan,kuwaasi oo dhanka kale xirfad iyo aqoon u yeellan doonna cilmiga tiknolojiyadda si ay casharaddooda ugu gudbin karaan mustaqbalka.

5.     si looga gaashaanto Mustaqblka Saf mar kale oo dhaca amma masiibo waa in hadda Wasaaradda waxbarashadda somaliland ay hirgelisa xeelado badan oo waxbarashada masaafada fog lagu horumariyo dalka.

6.     Horumarinta Waxbarashadu waa in ay sannadkan u waregtaa dhanka helida iyo Rakibida agabyada Tiknolojiyadda guud ahaan goobaha waxbarashadda,si loo helo istuudhiyo iyo qolol lagu rakibo guud ahaan agabyada duubida casharadda,Dhismayaasha iyo dayactirka wax ka muhiimsan ayaa yimi.

 

 

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.co

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker