Dawladda Soomaaliya Oo Kasoo Daadgureysay Muwaadininn Ku Xanibnaa Dalka Dibaddiisa

Dowladda  Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday in ay dalka dibaddiisa ka soo daadgureyso muwaadiniin badan oo muddo bil ah u xayirnaa howlo la xiriira la dagaalanka iyo xakamaynta xanuunka Karoona feyrus,iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ay ugu baaqday dadka soo guryo-noqonaya in ay u hoggaansamaan tilmaamaha ay bixisay Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka B\bulshada.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Srrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa sheegay shalay oo Khamiis aheyd in 114 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya la soo daadgureeyay, si nabad ahna ay ku kala gaadheen gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee caasimadda muqdisho.

 

Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si aad ah uga shaqeeyay howlaha soo daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay, iyadoo la hubiyay bedqabkooda caafimaad si gaar ah feyruska Karoona kahor inta aanay soo safrin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker