Dawlada Taiwan Oo War Farxad Leh Kasoo Saartey Xiidhiidhka Somaliland

Xukuumada Taiwan ayaa dhambaal mahadnaq ah soo gaadhsiiyey xukuumada Somaliland, isla markaana sheegay in labada wadan wadaagaan qiyamka dimuqraadiga.

 

Dhambaalka xukuumada Taiwan oo lagu soo socodsiiyey Madaxweyne-xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici ayaa lagu ballanqaaday  inay si wada jir ah uga wada shaqeyaan wanaaga aadanaha labada wadan.

 

Fariin lagu baahiyey barta Twitter ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Taiwan shalay ayaa lagu yidhi,

 

“Mahadsanid, Madaxweyne-xigeen hambalyadaada diiran eed u soo dirtay Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ingwen, Madaxweyne-xigeenka Md William Ching Telai ee caleema-saarka Taiwan.

 

Wasaarada Arrimaha Dibedda Taiwan ayaa fariinta ay u soo dirtay Madaxweyne-xigeenka JSL Md Saylici ku sheegtay in labada wadan wadaagaan qiyamka dimuqraadiga, iyadoo tidhi,

 

“Taiwan iyo Somaliland waxay wadaagaan qiyam dimuqraadi ah, waxaan rajaynaynaa inaan ka wada shaqeyno wanaaga aadanaha.

 

Dhambaalka dalka Taiwan u soo diray Somaliland ayaa ka dambeeyey ka dib markii Madaxweyne-xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Saylici doraad dhambaal u diray, u dhignaa sidan,

“Annigoo ku hadlaya magaca Somaliland waxaan hambalo u dirayaa Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ingwen, bilaabida xil-gudashadaada labaad adiga iyo Madaxweyne-xigeenkaaga Md William Ching.

Madaxweyne-xigeen Md Saylici oo dhambaalkiisa ku diray bartiisa Twitter ayaa raaciyey,

 

“Waxaan kuu rajeynaaa guul kasta oo aad ka gaadho shaqadaada. Waxaan rajeynayaa inaan sii wado wada shaqeynta dhow, si aan u xoojino xidhiidhka labadeena wadan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker