Dhalinyarada reer Somaliland ma yihiin kuwa ka soo baxay doorkii laga rabay mise maya?

Dood furan: Dhalinyarada reer Somaliland ma yihiin kuwa ka soo baxay doorkii laga rabay mise maya?.

 

Qormadan kooban waxa igu dhaliyey laba arimood oo kala ah:

 

1 Saaxibkay Khadar Hanan qormada uu page kiisa ku so qoray maanta.

2. Maalmahan oo aan barta bulshada ee Facebook ku argaayey doodo aanay qurux badnayen sida looga hadlaayey.

 

Dadka dhallin-yarada ah waxay leeyihiin fikradaha, hal-abuurka iyo tamar weyn si ay u qaabeeyaan dal wanaagsan. Dhallinyaradu rajo weyn ayey ka buuxdo iyada oo loo marayo hal-abuurnimo iyo mala-awaal, waa mushkilado xallin waxayna leeyihiin awood weyn si ay u soo saaraan isbeddel bulsho oo wanaagsan oo dal ahaneed marka dambana duni wanaagsan.

 

Dhalinta reer somaliland waxa saamayen taban ku yeeshay qabyaalada taas oo aad argayso baraha bulshada in doodaha ay is waydaar sanayaan ay ku aroorayso ama dabada ku hayso weerar iyo weerar celis dhandhanka aad ka dareemaysana yahay reernimo.

 

Yaa hagraday Somaliland?

Waxa Somaliland hagraday waa dhalinteeda gar’ahaan aqoon yahanka. Sababta oo ah hal curin iyo aragti cusub oo ku salaysan danta iyo doonista shacabka ama horumarka ay u ooman yihiin lamay iman marna lama arag 29 sano ee Somaliland la so noqotay madax-banaanideeda.

 

Mayse dhicin taasi oo waxa ay noqotay in reero dabada la galiyo, ma xuma qofku in uu ka shaqeeyo danta ardaagiisa balse in hoos loo wado ayey quruxdu ku jirtay.

Waxa aan is leeyahay hadii dhalinyaradu ay isku urursa-daan qaab wadaaga aragtidooda waxa iman garta in la helo dhalinyaro u taagan danta dalka iyo umadda oo aan wax turxaana lahayen.

 

Dhalinyarada waxa looga bahan yahay in ay xugumada hada iyo kuwa ka dambeeya ay kula xisaab tamaan maxaa MAXAA LAGA QABTAY ADEEGA BULSHADA? balse inta dhalinyardu ay ku doodayaan reer hebel iyo reer kayga wuu ka madhan yahay dhismaha xugumada walaahi waxa ay muujinaysa in mugdi badan ku gadaaman yahay mustaqbalka jirinta bulshada.

 

Hadiibay suurta gasho in la qabto doorashada Golayaasha maanta ma jirto wax uga meel yaala dhalinyarada. Hadaad doonto reernimo isku soo sharax balse ha la is urursado oo ha lagu dadaalo labada Gole (Dowladaha hoose/Wakiilada). Markaas waxa iman doonta in la gaadho himilada horumarineed dhalinta inta qabyaalada ka caafimaad qabta ay rabto Insha Allah Ilaahay ha ina wada tuso dariiqa xaqa ah.

 

 

Yuusuf Cismaan Garas

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker