Oodweyne News - Latest Somali News Update

Dagaalkii Waxbarashada – Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 16aad

Ardaydu waxay wax ku baran jireen dugsiyo dhisme ahaan burbursan, qalab ahaanna arrradan – sida kuraasida, miisaska, sabuuradaha iwm (Ibid, page 114),

Macallimiinta wax u dhigaysa badankoodu takhasus uma ay lahayn maaddooyinka ay bixinayaan, inta takhasuska lehna lama siin jirin mushahar ku filan (ibid, page 111, 114).

Marar badan, waxa xadhig lagu bartilmaameedsan jiray macallimiin badan. Dabcan ujeeddadu waxay ahayd inay joojiyaan wax dhigista.

Xaaladda waxbarasho ee Woqooyigu, si aad ah ayay uga xumayd intii aan filayay; dhan kasta oo laga eegana waxay ahayd mid aan la rumaysan karin, ayay tidhi Foosiya Ismaaciil Jaamac oo ahayd macallimad takhasus u leh luuqadaha oo wakhtigaas ka soo noqotay qurbaha (HRW, A government at war with its own people, page 113)

Axmed Muxumed Madar oo wakhtigaas ahaa Macallin dhiga maaddada Bayoolajiga, waraysi laga qaaday wuxuu ku sheegay in ardayda anshax ahaan iyo akhlaaq ahaanba loo dumiyay iyada oo la gaadhsiiyay heer ay iska caadi noqoto in macallinka iyo ardaygu sigaarka kala shitaan.

Ma ay jirin wax jaamacad ah oo Woqooyiga ka dhisnayd, dugsiyada oo dhanna waxa maamuli jirtay dawladda. Cid kasta oo isku dayda inay furato dugsiyada gaarka loo leeyahay, inta badan looma oggolaan jirin.

Haddiiba qof loo oggolaado furashada dugsi gaar ah, waxa la saari jiray cadaadisyo badan sida eed joogto ah, tuhun badan, cashuur xad-dhaaf ah iwm, oo ugu dambaynta ku khasbi jiray inuu dugsigaas iska xidho; isla wakhtigaas, Muqdisho waxa ku furnaa dugsiyo badan oo gaar loo leeyahay (Ibid, page 114).

Marar badan, qaabka kala sarraynta ee ay ardaydu u kala helaan dhibcana imtaxaanku waxay ahayd mid aan ku xidhnayn dedaalka ardayga, ee ku xidhan abtirsiga ardayga, cidda dhashay (sarkaal ama masuul sare) iwm.

Qofka waxbarasho doonayaa wuxuu tegi jiray Muqdisho ama dalka dibaddiisa, Woqooyigana waxa isugu soo hadhay intii aan tahli karayn inay labadaas midna tegaan.

Muddaharaadkii Dhagaxtuur ee Hargeysa iyo Burco ka dhacay Bishii Feebarwari 1982-kii, dugsiyadu  waxay noqdeen goob ay dawladdu si joogto ah u bartilmaameedsato, maadaama oo ciddii ugu badnayd ee Dhagax-tuurkaas ka qayb-qaadataa ay arday ahayd.

In ka badan 750 arday ayaa la xidhxidhay. 400 oo ka mid ah waxa laga soo xidhxidhay Hargeysa, halka 350 ka mid ah laga soo xidhxidhay Burco.  Waxa faraha ka baxay jidh-dilka, xidhidda, iyo u caga-juglaynta ardayda, halka isla muddaharaadkaasi intii uu socda lagu dilay arday badan (Page 106, 109).

Ka dib dhagaxtuurkaas, dugsiyada waxa dib loogu noqday bishii Abriil 1982-kii. Waxbarashadu kolkan waa ay ka sii dartay maadaama oo ay macallimiinta intii yarayd ee ka hadhsanayd badankoodii ay iskaga tageen dhigistii, cabsi awgeed. Macallinka ugu badani ardayda wuxuu u iman jiray laba saacadood oo qudha, sababtaas awgeed ma ay jirin sabab ay ardaydu dugsiyada u timaaddaaba (Ibid, page 100, 101). Dabcan, in dadka waxbarashada la nacsiiyaa wuxuu ahaa qorshe dawladeed.

Dawladdu waxay u adeegsatay waxbarashadii qalab siyaasadeed, iyada oo ka badheedhay inay ardayda Isaaqa ah ku eedayso inay yihiin SNM  (Ibid, page 99).

Ciidanka dawladda ayaa dugsiyaga iman jiray iyaga oo wata kaarayaashooda, waxa aanay kor u ridi jireen rasaas si ay ardayda u cabsi-geliyaan; kolkaas oo ay ardaydu kala yaaci jirtay. Waxa ay soo xidhxidhi jireen inta ay doonaan ee arday ah. Dabcan, dugsiyada waxa ay ka xidhxidheen tiradii ugu badnayd ee arday ahayd (Page, 101).

Ardaydu waxay qaadan jireen xiisado caga-juglayn ah oo ay u galaan saraakiisha ciidanku. Mararka qaar, illaa maamulahooda ayay ardayda hortooda ugu hanjabi jireen, iyaga oo ku eedaynaya in aanu waxba ka qaban ardayda yaryar ee dawladda ka soo hor jeedda. Warbixintu waxa ay sheegtay inay ardayda ugu khudbadayn jireen inay yihiin dhashii Qurmiska (SNM)! Waxa kale oo ay ardayda uga sheekayn wixii ku dhacay kuwii SNM taageersanaa, si ay u cabsi-geliyaan (Ibid, page 111, 112).

Inkasta oo lagu adkeeyay helitaanka aqoonta, haddana ardaydaas waalidkood waxa ay u soo direen inay aqoon soo korodhsadaan; xaqiiqada ayaa ahayd inay soo korodhsan jireen cabsi, caga-juglayn, eedo aanay gelin, iyo bahdilaad gaadhsiisan in illaa nasabkooda lagu hor caayo.

Ardaydii waxa ay u kala qaybiyeen Isaaq iyo inta aan Isaaqa ahayn, iyaga oo basaasnimo u isticmaali jiray inta aan Isaaqa ahayn. Mararka qaar macallinka qudhiisa ayaa noqon jiray basaas loo soo diray ardayda, halka mararka kalena askari caadi ah arday laga soo dhigi jiray, ka dibna loo isticmaali jiray basaasnimo (Ibid, page 99, 100, 102, 111).

Warbixintu waxay sheegtay in Cabdillaahi Cabdi Cumar oo wakhtigaas 12 jir ahaa la xidhay isaga oo dhigta dugsiga Hoose/Dhexe. Ilmahaas yar ee sabiga ah, waxay xidheen 15 maalmood. Ka dib waa ay soo daayeen, waxa ay se ku khasbeen inuu basaas u noqdo iyaga (Ibid, page 111).

Maalmahaas, miino lagu qarxiyay Xaruntii Xisbigii Kacaanka oo ay SNM sheegatay, waxa si toos ah loogu eedeeyay ardayda qaar ka mid ah. Dabcan, ardayga iyo ka miinada qarxiyay haddii ay isku reer yihiin, dambiga waa ay wadaagayeen.

Warbixintu waxay xustay in 1986-kii maalin la wada xidhay lix arday iyo macallinkoodii oo ay ku jireen laba walaalo ahi: Siciid Daahir Jaamac iyo Faa’isa Daahir Jaamac. Saddex waxa lagu xukumay dil toogasho ah, saddex waxa lagu xukumay xabsi abadi ah, halka midka soo hadhayna lagaga xukumay 15 sanno oo xadhig ah (Ibid, page 109).

Cabdirisaaq Ibraahin Kooshin oo ahaa arday ay dawladdu xidhay isaga oo aan gaadhin da’da 20 jirka, wuxuu ka sheekeeyay in si bahalnimo ah jidh-dil loogu sameeyay xabsiga dhexdiisa.

Jidh-dilkaas ka dib, waxa loo keenay warqad ay ku qoran yihiin dambiyo badan oo ay ka mid yihiin inuu qirtay inuu shirqool ku waday saraakiisha ciidanka, inuu SNM ka mid yahay iqk, waxaana lagu khasbay inuu saxeexo. Cabdirisaaq wuxu sheegay in 20 arday oo kale si la mid ah sidiisa loo jidh-dilay, isku marna loo wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Hargeysa (Page, 105).

Cabdirisaaq waxa lagu xukumay xabsi abadi ah. Intii ay xabsiga ku jireen wuxuu sheegay in la toogtay Cabdi Dhamac Caabbi oo ardaydooda ka mid ahaa; ugu dambayn, Cabdirisaaq waxa uu jeelka ka soo baxay Juun 1988-kii, kolkii ay SNM jabisay maalintaas oo illaa 750 qof oo kale ay xabsiga ka soo baxeen (ibid, 107).

Hooyooyinku maalinta oo dhan ayay ubadkooda ku hor sugi jireen dugsiga, marka la soo fasaxana waa ay soo kaxaysan jireen si aan ilmaha loogu samayn eed lagu xidho. Cuntada lagu qadayn doono waxa la sii karin jiray habeenkii, subaxa oo dhanna hooyadu waxay sugi jirtay ilmaheeda (Page, 112). Cidda qudha ee ilmahaas laga ilaalinayaa waa dawladda.

Mushkiladda qudha ee ay ardaydaasi ka cabanaysay waxay ahayd in waxbarashadooda la tayeeyo, xalkeeduna wuxuu ahaa kaliya in wax laga qabto mushkiladdaas. Cabashadaas garta ah, Siyaad Barre xalkeeda wuxuu ku dhigay toogasho, jidh-dil, xadhig, caga-juglayn iyo cabsi-gelin.

Dagaalka waxbarashadu, dabcan wuxuu ahaa dagaal mustaqbal.

Xigasho:

Human Rights Watch; a government at war with its own people – testimonies about the killings and the conflict in the north, page 97 – 114

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com