Oodweyne News - Latest Somali News Update

Warqaddii Geerida – Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 15aad

Warqaddan oo uu tixraaceedu yahay – TQB26/XKT/28-5/6/87, kuna taariikhaysan 17 jeenawari, 1987-kii, Moorgan ayaa u diray Muqdisho isaga oo Hargeysa jooga.

Moorgan wuxuu ku socodsiiyay saddex nin oo kala ahaa: madaxweynihii Soomaaliya – Siyaad Barre, wasiirkii arrimaha gudaha – Axmed Saleebaan Dafle iyo wasiirkii gaashaandhigga oo dabcan isla Siyaad Barre uun ahaa.

Axmed Saleebaan Dafle kolka laga yimaaddo inay Siyaad Barre isku reer ahaayeen, waxa soddog u ahaa Siyaad Barre. Moorganka warqadda diraya, sidaas si la mid ah ayuu soddog iyo adeerba u ahaa Siyaad Barre. Axmed Saleebaan Dafle iyo Moorgan, kolka laga tago inay ilamadeer ahaayeen, waxa kale oo ay ahaayeen ooryo-walaal, waayo waxa ay kala qabeen laba hablood oo walaalo ah.

Kolkan, warqaddani waxay noqonaysaa warqad ay isu direen qoys yar oo isku reer ah, sida oo kalena xidid ah. waxa lagu aamini waayay cid kale oo xukuumaddaas ka tirsanayd.

Qaranka dhan waxa sida uu doono ugu takrifalayay qoys yar oo maroorsaday awooddi dawladnimada, sida ugu qayrul-masuulsanna u adeegsanayay.

Warqadda idinka ayaa xagga hoose ka akhrin doona e, aan nuxurkeeda soo ururiyo:

Ka dib kolka uu guulo badan sheegto, Moorgan wuxuu adeerkii ama soddogii kula dardaarmayaa in lagula dagaallami karo waxa uu ugu yeedhay jeermiga qaranka galay (SNM), siyaabahan:

1. In laysu dheellitiro dadka maalqabeenka ah ah oo aan hadda lsu dheellitirnayn. Taas waxa lagu gaadhi karaa iyada oo kor loo qaadayo dhaqaalaha dadka aan Isaaqa ahayn, halka dhaqaalaha isaaqa laga burburinayo (qaybihii hore ayaan kaga soo hadlay sida loo burburinayay dhaqaalahaas).

Waxa kale oo la xidhayaa idil ahaan akoonnada ay isaaqu ku leeyihiin bangiyada iyada oo aan la kala saarin.

Inkasta oo uu ku andoocanayo isu dheellitir, haddana waxa uu sheegayaa run ahaan ma aha isu dheellitir ee waa dhinac u badin dhaqaale, maadaama oo gebi ahaanba cid laga qaadayo, cid kalena lagu wareejinayo.

2. In ciidamada booliska, sirdoonka, hangashta, ciidamada asluubta iyo idil ahaan ciidamada qalabka sida oo dhan laga nadiifiyo Isaaqa. sida oo kale, in Isaaqa laga ilaaliyo xafiisyada xasaasiga ah oo dhan ee siraha dawladeed laga heli karo.

3. In guddiga deegaanka oo noqday dad soocan (Isaaq) laysu dheellitiro (Isu dheellitirku wuxuu ka dhigan yahay ka wada qaadid).

4. Ardayda dugsiyada oo loo oggolaado in lagu badhxo ardayda qaxootiga ee deggan agagaarka Hargeysa (dabcan ma aha waxbarasho e waa in ardaydaas qoxoontiga ah loo isticmaalayo inay soo baasaasan ardayda kale).

5. In lama degaan laga dhigo jiidda u dhaxeysa ciidanka iyo cadowga, taasoo ku imaanaysa baabi’in baraagaha iyo tuulooyinka ku teedsan jiiddaas oo ay ku soo dhuuntaan. (Halkan waxa lagu xalaashaday laynta xoolaha, iyo gubidda barkadaha, sababtaas awgeed ayaa Tuulada Xaaji Saalax loo gubay 1983-kii).

6. Tirada gaadiidka basaska ee Hargeysa ka shaqeeyaa waa 337 bas:

A. waa in aanay tirada basaskaasi ka badnaan 80 bas.

B. In bas walba loo sameeyo lambar summad u ah.

C. In mulkiilayaasha basaska la isu dheellitiro iyada oo mudnaanta la siinayo dadka ehelka u ah kacaanka, lagana qaadayo dadka ka soo horjeeda. Dabcan, basaska Isaaqa laga qaado waxa la siinayaa dad aan Isaaq ahayn.

7. Moorgan wuxuu sheegay inay kulanno isdabajoog ah, abaabul, kicin iyo wacyigelinba ku sameeyeen dadka aan Isaaqa ahayn ee ku nool Waqooyi. Dadkaas waxa ka mid ah Soomali Galbeed wajiyaddooda kala duwan (Dabcan, waa Ogaadeenkii oo markan loo aqoonsaday deegaan rasmi ah), Reer Laasqoray, Reer Awdal iyo Reer Daami iwm.

Moorgan wuxuu sheegay inay hubaal tahay in isku duubnida dadkaasi ay dheellitiri doonto miisaanka hadda u liicay dhanka Isaaqa ah. Warqadda waxa ku qoran, haddii dadkaasi ay si firfircooni leh u howlgalaan in ay kibir-jebin doonaan dadka u haysta in ay waqooyi leeyihiin (Isaaq).

Dabcan iyaga oo iska dhigaya inay u danaynayaan dadkaas, waxay dantooda siyaasadeed u adeegsanayeen dad aan wax dan ahi ugu jirin cadaawadda Isaaqa. In beelaha wada deggan la isku soofeeyaa, waa hab ka mid ah hababkii uu 21 sannadood xukunka ku haystay Siyaad Barre.

8. Moorgan wuxuu sheegay in dib loo abaabulay jabhadda Soomaali Galbeed (WSLF) iyada oo lagu xareeyey meel u dhow Geed-deeble. Moorgan wuxuu sheegay in jabhaddaas kolka dib loo habeeyo la dhex dajin doono xeryaha ciidanka, loona isticmaali doono inay la dagaallamaan SNM. Waxay caddayn xooggan u tahay inay xukuumaddaasi qoxoontigii u siticmaashay dagaallada.

Warqaddu waxay ka kooban tahay saddex bog, hoosta waxaan idinkula wadaagay laba bog, dabcanna waxa maqan boggii saddexaad. Ciddii haysaa waa ay inala wadaagi kartaa.

Inkasta oo uu Moorgan ku andacoonayo in siyaabahan lagu dagaallami karo SNM, haddana xaqiiqadu waa in 100% cidda shirqoolkaas lagu fulinayaa ay tahay dadkii rayidka ahaa ee aan hubaysnayn.

Waxa ku saxeexan sarreeye guuto, taliyaha qaybta 26aad Maxamad Saciid Xirsi (Moorgan).

Wargeyskii koowaad ee warqaddaas soo daabacaa wuxuu ahaa Defense and Foreign Affirs, cadadkiisii Abril 24, 1987-kii, markaas oo ay ku caan-baxday “Death letter”, oo warbaahinta caalamku ay meel walba ku faafisay.

Waxa Ingiriisi u beddalay Maxamuud Sh. Axmed Muuse,

Waxaana sii faahfaahiyay R. Barnett.

Halkan ka akhri warqadda

Letter-of-Death-1.jpgLetter-of-Death-2.jpg

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com