HARGAYSAAY ANAA KAA HURDA W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

Taariikhdu waa isa sudhan, waa tilaan wax warisa oo dadku ku gaajo baxo. Faaidooyinka ugu weyn ee taariikhda laga faaidana waa in aynu baro sunayaasha dunidan eebe weyne u dhigay oo ku cibro qaadano gadgadoonka meertada nolosha aadmiga.

Markaad xaalada Somaliland dhab u eegto waxaad arkaysaa taariikh soo noqnoqonaysa waqtiyo kala duwan, hargaysa oo ah caasimada Somaliland oo 29 sano kadib ka aradan dhamaan horumar wax loo sheegaba, iyadana oo aanay ka jirin adeeg dawladeed, iyada oo shacabku wado ay maraan aanay ku haynin iyada oo 30 sano kadib caasimadu leedahay hal wado oo wadne ah oo aanay jirin wadooyin kale oo sida caasimadaha dunida loo qaabeeyey.
29 sano kadib ma helin adeeg waxbarasho oo ah kii aan filaayey, caafimaad isaga hadalkiisa daa oo waxaa oxygen la’aan loogu dhimanayaa cusbitaalkii weynaa ee dawlada kaas oo aan dhismihisa wax qumanayn aan lagu darin tan iyo ingiriiska iyo taliskii dhexe ee dawladii kacaanka, guud ahaan Somaliland wax aka jira silic iyo saxariir gees ay noqotaba adeega dawladnimo.
Waxay maraysaa halkii dhalinyaradii ufo ay ka dagaalameen 20-february 1982 kuwaas oo gabi ahaanba dareemay dawlad la’aanta haysta hargaysa oo markaa ahayd caasimadii 2aad ee soomaliya.
Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah 30 sano kadib maxay Somaliland taransatay? Caasimadii dalku waa sidee? Horumar miyaa socda mise tuugaysi iyo iska boobka hantida umada ayaa loo dhaqaaqay?

 

Waa arin tiiraanyo leh dhan ay noqotaba sidaas darteed waxay taariikhdu ina baraysaa in aan ka dhiidhino gunimada ay ina badeen madaxdii xilka loo igmaday ee duhur dharaareed la ambaday, maanta oo kale waa maalintii dhalinyartii waagaasi ay diideen dulmigii magaalada ka jirey ee ay af iyo adinba ku muujiyeen wixii ay tabanayeen.
Abwaankii weynaa alle ha u naxariistee axmed ismaaciil diiriye (qaasim) ayaa tiriyey gabay taariikhdu markay maraysay 1984kii, Ujeedada uu gabaygan abwaanku u tiriyey waxa ahayd darxumo iyo dib u dhac badan oo ka dareemay magaalada hargaysa oo ahayd caasimadii 2aad ee umada somaliyeed.
Wuxu si dhiiran ugu sheegayaa dawladii kacaanka dayaca ka muuqda meeshii ugu horaysay ee calan somaliyeed oo xor ah laga taago oo ah beerta xoriyada ee magaalada hargaysa 26june 1960kii oo markaa aad u dayacnayd.
Hadaba 29 sano kadib xornimadeena ka waran muuqaalka beerta xoriyada? ka waran gurigii madaxbanaanida soomaliland lagaga dhawaaqay? Ma dayacan yihiin mise waa la dhowray oo la dhisay.

Tuduca 1aad wuxu abwaanku afcad ku sheegayaa in aanay hargaysi sidaa u dayacnaateen hadaanay dadkeedu ka hurdeen, oo horumarkeeda aanay ka shaqaynayneen, wuxu sidoo kale sheegayaa hadii ay soo hambaabiri lahayeen inaanay sidaa u ekaadeen, lana mid noqdeen neef heec ah, sidoo kale wuxu si cad u tilmaamayaa in halaq iyo abees oo kamid uurjiifka kuwooda halista ah ay hargaysa hurdaan oo huluulaha ku jiraan, hantidii iyo cashuurtii umadana boobeen oo ay jeebab u tosheen wuxu yidhi abwaanku.
29 sano kadib hargaysa oo ay haystaan dadkeedii madaxna u yihiin ma horumariyeen mise waa sidii qaasim uga cabanayey 1984kii, dadkeedu ma hurdadii hore ayey ku jiraan mise qun ay u tooseen, abeeska iyo halaqa daran wali hargaysa ma dhexjiifaa oo hantideeda ma boobayaa mise waa laga raystay arintaas.

Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene
Haddaan soo hanbaabiri lahaa heec ma noqoteene
Horaad dacara kuma nuujiseen hooya beenihiye
Halaq iyo abees kuma gam’een hadhacyadaadiiye
Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaansadaye
Hantidaada muu weerareen horor wax boobaaye
Hareertaada lama soo fureeen haaway doobadahe

Wuxu tuducan inoogu sheegayaa sida Caruurtii hargaysa u dhalatay loo dhibay oo loo halgaaday iyo dhibaatadii ay kala kulmeen taliskii markii dambe dhiigyo cabka isu badalay ee ka ariminayey Somaaliya 1969-1990kii, wuxu ka sheekeeyey dumarka iyo hablihii quruxda badnaa sida loo boobay ee rag aan haybtooda la garanayn ay u guursadeen, sidoo kale hanadii, geesiyadii sooma jeestayaasha ahaa ee u dhashay hargaysa ayuu u calaacalayaa kuwaas oo uu kacaanku cagta mariyey god aakhirana u wada diray, intii soo hadhayna waxa lagu sheegay umad hadhaa ah, oo aan marnaba la jaanqaadi Karin kacaanka seefta daran iyo ableyda xiiraysa wata, wuxu abwaanku inoo sheegayaa sidii loo qiimo tiray dadkii haldoorka ahaa ee dadka iyo dalkaba wax u taray ilaa maantana la yaqaan waxay qabteen arimahaas oo dhan isagoo ka waramaya ayuu yidhi:
Dadkii u dhashay Somaliland xor ma u yihiin hadalkooda? geesiyadii reer Somaliland u soo halgamay dayac ma u dhintaan mise barwaaqo sooran ayey gaadheen? Ma jiraan sidii waagii hore in Somaliland dhexdeeda lagu qiimo tiro haldoorka umada sidii waagii hore ee aynu ka dagaalanay?

Hadaba qaasim maanta ma noola ee adigu maxaad odhan lahayd? Wuxu yidhi alle ha u naxariistee qaasim:
Haweenkiyo caruurtaad lahayd lama halgaadeene
Hablahaaga muu guursadeen haybti garanwaaye
Hog dalluuna kama qayliyeen hanadadaadiiye
Hanuunshiyo indheergaratadii hode ma dhaafeene
Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye
Hoos looma eegeen kuwii hawlkarka ahaaye
Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye
Maad hoos dhigteen labada sacab hooge baadiyahe.
Habro looma doorteen golihii haybadda lahaaye
Hiirtaanyo iyo ciil wadnuhu ima hiqleeyeene
Haasaawaha iyo sheekadii lama hagoogteene.
Qaasim wuxu meerisyadan soo socda inoogu sheegayaa in aanay haboobayn in xaqa laga aamuso xataa hadii lagugu dilayo oo aad dhib badan kala kulmayso, maxaa yeelay nabigeena muxamed N.N.K.H wuxu xadiis inoogu sheegay inay muhiim tahay in qofkii dulmi falaya in xaqa loo sheego ay wanaagsan tahay, sidoo kale abwaanku wuxu tilmaamayaa in aanan dhib badan ku jirneen hadii dhibka si wadajira meel looga soo wada jeesto, sidoo kale wuxu sheegayaa dadkii kacaanku quudhsaday oo culimadu ugu horaysay, heesaagii dadka abaabuli jiray, ee wadaniyada ku hanuunin jiray, halyeygii gobonimada keenay ee la dayriyey.

Maanta xaqii Malaga aamusay oo seefta kaligii taliyaha Malaga gabaday? Mala gees maray xadiiskii nabigeena suuban muxamed N.N.K.H uu inoogu sheegay in qofkii dulmi falaya in xaqa loo sheego ay wanaagsan tahay.
Gabogabada wuxu u ducaynayaa umada somaliyeed isagoo u sheegay in dhibka laga bixi doono oo barwaaqo iyo degaan wanaagsan loo guuri doono, wuxu eebe weyne u waydiinayaa Somali laydh caafimaad inu siiyo oo roobab badan wadata, wuxu abwaanku yidhi AHN:
Ninna hadalka kama dhawrsadeen kuu hagaag bido’e
Hootada afaysani boqnaha igama heerteene
Dhammaan hooballadi may qaxeen hibadu saarrayde
Hogyaqaanadaadii murtida lama halleyeene
Heesaagi lama quudhsadeen hiray cadaawaaye
Hayeeshee habeen guulleh baad heli ayaan dhow’e
Had aan sii fogeyn waxad sugtaa heego iyo roobe
Hillaac caafimaadbaa ku mari hogol daruureede
Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude
Hiddo-dhalad wixii aan ahayn waa lagaa hudine
Hor ilaahay waan kaa xorayn hawshan kuu timiye
Insha-Allaah home nabadgelyaa lagugu soo hoyne.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker