Guuxa Dhalinyarada iyo Jihayntooda !

Asalaamu Calaykum

Jihaynta Dhalinyarada Somaliland waa mid lagama-maarmaan ah oo loo baahan yahay in laga dhigo oo ay noqoto Shaqada Koowaad ee Xukuumada, isla markaasna Tamar iyo Taagba la isugu geeyo sidii Tub hufan oo degdeg ah loogu jeexi lahaa Dhalinyarada Somaliland, kuwaasoo ah Xoogga iyo Dhuuxa Qaranka, hadiise degdeg looga hawl geli waayo waxay halis aad u weyn u horseedi karaan Qaranka.

Marka aynu Xaqiiqda waajahno halista ugu weyn ee soo waajihi karta Amniga Qaranka Somaliland maaha mid ka iman doonta Cadaw Dibadeed oo ina soo weerara, ama Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti oo ina soo weeraraya, balse halista ugu weyn uguna khatarta badan ee Amniga Qaranka Somaliland soo waajihi doonta Mustaqabalka dhow iyo Mustaqbalka dheerba waxa uu noqon doonaa mid ka iman doona
Dhalinyarada Somaliland haddii aynu ka baaqsano in si dhakhso ah looga hawl galo Jihayntooda iyo Maareyntooda.

Waxaan shaki ku jirin in Dunida maantu aanay ahayn Dunidii shalay, Dhalinyarada Somaliland ku noolina ay yihiin dhalinyaro la jaanqaadaysa oo xidhiidh la leh dhalinyarada kale ee Caalamka ku nool, sidoo kalana ay doonayaan inay gaadhaan oo aanay ka hadhin heerarka ay gaadheen dhalinyrada dhiggooda ah, isla markaasna ay leeyihiin baahiyo la mid ah baahiyaha ay leeyihiin dhalinyarada kale ee Dunidida ku nool sida helitaan Waxbrasho tayo leh, Shaqooyin fiican, iyo Nolol ay Rejo ka bidhaamayso, isku xidhankaas iyo isla-jaanqaadkaas dhalinyarada Caalamkana waxa u fududeeyay isgaadhsiinta casriga ah ee ka hano qaaday Dunidan casriga ah.

Guuxa ka baxaya inta badan Dhalinyarada Dalkeena iyo Walaahowga iyo Walaaca ka haya xaalada qallafsan ee ay ku sugan yihiiin marka aynu eegno duruufaha dhaqaale iyo shaqo la’aanta is barkan ee hadhaysay iyo werwerka ay ka qabaan Mustaqbalkooda, waxay Waajib ka dhigaysaa in si degdeg ah ay Xukuumadu u dejiso Siyaasad Cad iyo Qorshayaal fikir nadiif ah xambaarsan oo lagu maaraynayo arrimahan aynu xusnay.

Inkasta oo aynu ogsoonahay duruufaha dhaqaale ee Dalkeenu uu ku jiro, Xukuumaduna ay samaysay barnaamujyo fiican oo uu ka mid yahay Barnaamujka Shaqo-qaran, hadana taasi kuma filna inay buuxiso baahida haysata Dhalinyarada.

Waxaa lagama-maarmaan ah in Xukuumad iyo Shacbi la is garabsado sidii loo jihayn lahaa dhalinyarada, loogana hor tegi lahaa inay inagu noqdaan Folkaane mar qudha inagu qarxa oo halis gelin kara Degenaanshaha iyo Dawladnimadeena sida Wadamo badan ka dhacday. Waxaa muhiim ah in Dhegaha loo furo dhawaaqyada ka imanaya dhalinyarada, loona hawl galo sidii looga tashan lahaa in la yareeyo duruufaha adag ee ku gedaaman dhalinyaradeena.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,iyo Ururka SONYO oo kaashanaya Hay’adaha kala duwan ee Caalamiga ah waxaa laga sugayaa inay dhakhso uga hawl galaan sidii loo maarayn lahaa waxna looga qaban lahaa caqabadaha kala duwan ee haysta dhalinyarada intaan Xeedho iyo Fandhaal kala dhicin.

Dhawaaqii dhawaan ka soo baxay qaybo dhalinyarada ka mid ahi waxa uu inagu baraarujinayaa oo uu ina taabsiinayaa Guuxa iyo Dareenka ay qabaan dhalinyaradeenu, waxaana waajib inagu ah inaynu dhegaha u furno oo aynu isla eegno, dareen toggan oo aan caadifadi ku jirina looga jawaabo waxna looga qabto tabashooyinka jira ee aan cidna ka qarsoonayn iyada oo laga fogaanayo deedafaynta iyo kelmadaha duugga ah ee lagu duro doodaha Saliimka ah iyo Tabashooyinka xaqiiqda ku fadhiya ee ay bulshadu qabto.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker