Oodweyne News - Latest Somali News Update

Cadow Looma Cararo, Cudurna Looma Ciido

Waxa aynu wada garanaynaa cudurada faafa in ay ugu dhacaan dadka qaabab kala duwan sida isagoo abaara qof kaliya (Sporadic), ama uu ku dhaco dad xoogaa oo uu noqdo Safmar (Epidemic), ama ay ku hakado goobo iyo degaano gaar ah (Endemic) oo ay dadkaa ku noqdaan cudurro joogto ah, sidoo kale waxa uu noqon karaa mid xadhkaha goostay oo caalamka wada Aafeeya (Pandemic)( وباءَ أو جائحة), hadaba Aadamuhu culayska xanuunadaasi ay leeyihiin way ku soo waayo arkeen, waxayna samaysteen tabo iyo xeelado fara badan oo ay isaga badbaadiyaan masiibooyinkaa,

Hanaanka ugu dhiifoon ee Ummduhu kaga gudbaan masiibo kasta oo soo wajahda waa in ay si wada jir ah oo isku duubni leh iskaga wada caabinyaan cadowgaa ma-naxaha ah, waxaana la dhegaystaa talada iyo tusaalaynta dadka waxan u soo joogay ama cilmi ahaan u bartay.

Haddii ay hadaba dhacdo in cudur faafaa ka dilaaco khuburada iyo aqoonyahanka Caafimaadku waxa ay markaaba degdeg u daraaseeyaan

1. Shayga sababayaa waa maxay?

2. Ma noolaa mise maba noolaba?

3. Xajmigiisu intuu le’eg yahay?

4. Qaabkeebuu ku faafaa? Sidee baase looga horti karaa inuu jidhka galo?

5. Maxaa saacida fafitankiisa?

6. Jidhka banii Aadamka halkeebuu ka gala? Xubuntee buu se ka degaa?

7. Marka uu gaysto dhaawaca, waqti intee buu qofka kaga soo baxaan calaamadaha muuijinaya dhibatada cudurku?

8. Jidhka dadku siduu isaga difacaa?

9. Dhib intee le’eg buu gaadhsiinayaa qofka?

10. Ma mid fudud baa, ma mid laga kaban karo?

11. Xubnaha uu dhaawacayaa shaqadoodii ma sii wadi karaan, mise way gabayaan Awoodooda?

12. Qofka ma dilayaa?

13. Maxaa dawo ahaan loo isticmaali karayaa?

14. Ma la dabar goyn karaa? Mise waa la xadidi (yarayn) karaa dhibkiisa?

Su’aalahaa marka ay jawaabahooda helaan, ayay Culimadaasi soo saaraan habkii iyo xeeladihii lagula tacaali lahaa cudurka cusub ee faafaya sida: –

a. Wacyi gelin iyo fahamsiinta Ummadooda Xajmiga khatarta ah ee cudurkani leeyahay

b. Soo saarida qaababka loogaga hor tagayo qof ahaan iyo Qaran ahaan

c. U gudbinta Madaxda Qaranka, Talooyinka iyo Go’aamada Siyaasadeed ee Qaran ahaan lagula taacli lahaa masiibada.

d. Raadinta iyo soo saarida qalabka shaybaadh ee lagu ogaan karo xanuunkaa

e. Raadinta iyo soo saarida dawooyinka la siinayo bukaanada

f. Saadaalinta xajimiga khasaaraha nafeed ee uu ku keeni karo Qaranka

g. Saadaalinta xajmiga khasaaraha dhaqaale, Bulsho, ee uu keeni karo.

 

Talooyinkaa iyo wax qabad kaloo badan markay soo bandhigaan, ayaa hogaanka siyaasadeed ee Qarankaasina qaataa go’aamada ugu suuban ee lagu difaacayo dadka iyo dalkaba.

Hadaba Walaal waxaad ogaataa dhibaatadan maanta caalamka ku soo korodhay, mid hore loo arkay maaha, inkastoo ay dhici jireen Daacuuno dhib badan aduunka gaadhsiiya, hadana Covid 19 waxa uu dheeraaday kuwii laga shekayn jiray

a. Xawaaraha degdega ah ee uu Wadamada iyo Qaaradaha is kaga gudbayo

b. Degdega uu u faafayo bulshada dhexdeeda

c. Dhimashada faraha badan ee uu sababayo

d. Calaamado badan oo kala duwan oo qofka ka soo muqanaya

e. Xubnaha jidhka (Ubuclayda iyo Maskaxda) oo badankooda uu waxyeelaynayo

f. Dawadii ugu haboonayd oo aan weli si dhab ah loo garan

g. Waayelka wuu laynayaa, dhalinyaradana wuu naafaynayaa, caruurtana raad xun buu kaga tegayaa

 

Hadaba bal Talooyinkan iyo dhawrkan Tusaale aan ka wada faa’idaysano

Cuduradan halista ahi waxay u faafaan si degdeg ah iyagoo si naxariis darro ah u gumaadaya Bulshooyin idil oo aan waxba galabsan. Sidoo kale uma kala soocaan aadamaha Diimaha ay kala haystaan, dhaqanka ay kala leeyihiin, midabka ay ku kala duwanyihiin, iyo dalalka iyo degaamada ay ku kala noolyinhiin. Waxa uu baadi goobayaa waa dhamaan Tafiirtii Nabi Aadam(CS), goob kastooy joogaaan iyo goor kastoo ay joogaan.

Awlaada wuu agoomaynayaa, dumarkana assay bu saarayaa oo carmal buu ka dhigayaa, ka sii darane kii ubad lahaana wuu goblaminayaa, kii waynaaana bilaa qareen buu ka dhigayaa,

Waxaa hantida loo dhaqdaa inay mar uun kula baxdo, Corona hanti waxba ka qaban weyday

Ubadka iyo ehelka waxaa loo dhaqanayaa in maalintay cuslaato loo baxsado oo taakulo iyo tabantaabo laga helo, cidi kuuma iman karto oo Qareen goo buu dadkii ka dhigay

Ma-na-xa-hani wuxuu aad u jecelyahay isu soo ururida dadka (Mass gathering) sifo kaste ha isugu soo ururaane

Waxaana uu ugu jecelyahay dadka dhoohan ee aan is maqal

Wuxuu aad uga helaa dadka ka hortagga aan aqoon ee ku caanbaxay ka daba ooyida, ee cabaadka iyo catowga aad ka u yaqaan

Ugu dambayn dhamaan isu soo baxyada oo dhan wuu ku faafaa, waana goobaha ugu badan ee uu ku haleelo dadka ugu badan,

Waxaan kuu ahayaa Tusaalayaal badan oo dad isugu soo ururay

1. Farxad Iyo Dabaaldegyo

2. Ciyaaro Iyo Damaashaad

3. Siyaasad Iyo Xuquuq Doon

4. Ciid Iyo Cibaado

 

Bal hadaba aan mid mid u daraasyno (fadlan si degan u akhri)

 

ISU SOO BAXYADA FARXADAHA IYO DABAALDEGYO

(Farxadi Waa Naxdintii Philadelphia)

Tusaalahani waxa uu is barbar dhigayaa oo laba goobood oo ay tahay inay ka qabsoomaan xafladihii iyo damaashaadkii loo dhigayay guushii dagaalka koowaad ee dunida gaar ahaan dalka Maraykanka, waana labada magaalo ee Philadelphia oo ku taala Gobolka Pennsylvania eee maraykanka iyo St. Louis oo ku taala Gobolka Missouri, waana sida ay u maareeyeen dabaaldegaaku beegnaa 28 September 1918 loona samaynayay soo noqoshadii ciidamadii Maraykanka ee ka soo dagaalamay Yurub WWI, ogow oo waqtigaana waxaa aduunka ka dilaacay daacuunkii khansiirka ee (Spanish Swine Flu), Spain kamuu bilaabmin ee geeridda  ugu badan dunid ayuu ku keenay, wuxuuna ka dilay Spain ilaa 3500,000 oo qof

Ciidamadaasi soo guuleystay dib u soo noqoshadooda aad baa loogu wada heelanaa inkastoo ay Bahda Caafimaadku ugaga digayeen oo dadka iyo Dawladaba in cudurkani iyo xafladahasi aanay isku haboonayn.

Waa arrin Alle watee maamulkii Philidelphia dheg umay dhigin digniinahaasi, sidaas ayayna ku qabsadeen xafladahoodii, Dabaaldeggiina si qurux badan buu ugu qabsoomay. Waxaana ka qaybqaatay 200,000 oo qof oo Dhamaan tamashlaynaya korna u lulaya calanka Maraykanka iyo astaanta Philadelphia.

Dhinca kale, maamulkii magaalada St. Louis iyagoo dabaaldeggaa isku diyaarinaya markii ay xaqiiqsadeen in halis badani jirto, waxa ay u lexajecloodeen dadkoodii oo caadifaddu kama ay xoog badnaan ee way baajiyeen dabaaldegii.

 

Bal Maxaa Ka Dambeeyay?

Muddo lix toddobaad gudahood ah waxa Magaalada Philadelphia xanuunkii u soo dhacay 47,000 oo qof, isagoo ka galaaftay 12,000 oo Ruux. Bukaankii sariiro qaada ayaa loo waayey, maydadkii xabaalo lagu aaso iyo cid aasta ayaa loo waayey, shaqaalihii caafimaadku gacmaha iyo maskaxdaba way ka daaleen. Dadka intii hadhay waxay noqdeen wax nafta la baxsada iyo wax is go’doomiya. Magaaladii waxay noqotay gelgelin cidlo ah. Waxa kaliya oo la maqlayey dhawaqa Ambulance iyo baroorta kuwa laga geeriyooday. Khalkhal iyo jahawareer aan hore loo arag ayaa dhacay. Dadkii waqtigaa noolaa waxay xaaladda ku sifeeyeen mid xun oo aan fiicnayn in la xasuusto.

 

Laakiin magaaladii St. Louis markay joojiyeen xafladihii waa ay ka badbaaday masiibadii qayrkood ku dhacday oo kale, waxa kaliya oo la diiwaan geliyay ilaa dhimasho ka yar 700 oo qof. Hadaba (Caqligii wanaagsani itaal inuu ka roonyahay bal eego u fiirsada), sidaa awgeed taariikhdu ma eexato.

ISU SOO BAXYADA CIYAARO IYO DAMAASHAAD

(Ciyaartii Bergamo Godka Madow Ku Riday)

Dawladaha Europe iyagoo og culayska cudur ee ku soo kordhay Aduunyada, hadana dhayalsi iyo is dhigasho badan baa ka dhacay. waxaana tusaale inoogu filan qabshada Ciyaaraha Horyaalka Kooxaha Qaarada Yurub (Champions League), ciyaartasi waxay ahayd is aragii hore (first leg), waxa ayna ku beegnayd 19 feb. 2020 maalin Arbaca ah. Waxaana wada ciyaarayay labada kooxood ee kala ah Atlanta oo Talyaani ah iyo Valencia oo Spain ah, waxaana marti loo noqonayay kooxda Atlanta ee Talyaaniga, waxaase xusid mudan in Bergamo oo ah Degmada laga taageero kooxda Atlanta aanay lahayn garoon martigelin kara kooxaha koobka Europe, sidaa awgeed waxa ay ku sii ciyaaraan inta garooonkooda la dhisayo garoonka Stadio Giuseppe Meazza ama caanka ku ah San Siro ee Milano ku yaala oo Bergamo u jira 60km, dabadeed reer Bergamo waxay u dhaqaaqeen xagaa iyo Milano iyagoo wata udbahoodii iyuo dhigahoodii waxaana la sheegaa inay 40,000 oo Taageere ahaayeen. Waxaa Iyana ka soo boqoolay dalkii Spain gaar ahaan Magaalada Valencia ilaa 2500 o Taageere oo dhabarka u adkaynaya kooxdooda.

Ogow oo waqtigaa waxa ay dhakhaatiirtu la tacaalayeen bukaanadii uu soo ritay xanuunkan cusub dilaaga ah (Covid 19) oo kolkaa uun Gobolka Lambardy ee waqooyiga Talyaniga ka bilaabmay.  Ciyaartaasi waxa ay ku dhamaatay 4:1 ay Atlanta shabaqa ugu riday Valencia. Wax yar ka dib waxaa bilaabmay in dhamaan martidii dib ugu noqdaan deegaamadoodii, waana waqtiyada dhallinyaradu sii damaashaado, la sii wada tunto, khamriga aad loo sii cabo iwm.

Bal Maxaa Ka Dambeeyay?

Asbuucyo ka dib waxaa tarab tarab isaga soo daba dhacay bukaanadii, isbitaaladii baa buuxsamay, meydkii baa batay, meel lagu kala aasana waa la waayay, oohintii iyo dhawaaqii dhiiladaa isu baxay, hakleen wax ka qabanaa, halkeen ka bilownaa, keen difaacnaa, keen daweynaa, talo faraha ayay ka baxday. Bilowgii bishii March 2020, Magaalada Bergamo waxa loo aqoonsaday Ubucda uu cudurka Covid 19 ee Europe ka soo faafo (Epicenter),

Aqoonyahanka Caafimaadka ee Talyaniguna waxaa ay ciyaartaa Bergamo godka madow ku riday u bixiyeen (Game Zero) ama ciyaartii cudurku ka bilaabmay. Sida cilmiga epidemiology gu dhiagayo qofka ugu horeeya e qaada ayaa Ro loo yaqaanaa, oo la yidhaa kulu fitna cinda geel, dadka qaaday Covid 19 waxa ay noqdeen in ka badan 25000 oo qof halka dhimashada Reer Bergamo waxa ay gaadhay bishii March oo kaliya 6000 qof in badinina qarsoontahay. Sidoo kale 35% taageerayashii iyo kooxdii reer Spain-na ee Valencia xanuunkii baa wada asiibay, (Taladaan La Ruugin Waa Lagu Rafaadaa)

ISU SOO BAXYADA WAAAWEYN SIYAASADAHA

Dhubuq-Dhubuqdaada Hore Dhabana Hays Dambay Leedahay

Isla dalka Spain waqti yar ka hor bisha March waxaa Spain soo galay Covid 19 laakiin tirada uu dilay ama guud ahaan laga helay sidaa uma sii ridnayn, iyadoo xaaladaa lagu jiro ayaa waxaa soo galay xuskii maalinta Haweenweynaha Aduunka ee 8 march, waxaana la go’aansaday in la isku soo baxo si kasta oo dhakhatiirtu ka digeen khataraha is huwan ee ka dhalan kara cudurkan Covid 19. Waxaanay ku taliyeen in aan la siin fursad cudurkaasi ku dhex faafo Bulshada, banaanbaxyada iyo isku soo ururiduna ay yihiin Albaabada ugu jilicsan ee uu Spain ka soo gali karo. Dhakhaatiirtii oo dhawaaqaysa arrinkaa hadana waa caadadii dadkee dheg looma dhigin.

Subaxii 8 March 2020 dad ku badan 120,000 ayaa isugu soo baxay dariiqyada Madrid si ay u muujiyaan taageeradooda ay u hayaan inay dumarku helaan xuquuqda. Feminist-kii, mucaaradkii dawlada, xisbiyada xagjirka ah iyo dadweyne oo badan oo higilka soo raacay baa dabaaldeg iyo damaashaad bilaabay.

Maxaa Dhacay Dabadeed?

3 Cisho ka dib 11 March WHO waxa ay ku dhawaaqday in cudurkii Covid 19 uu yahay farakabax aduunka oo dhan dhibataynaya (Pandemic). Dalkii Spain-na maalintii haweenka 10 cisho ka dib (18 March) waxaa xanuunkii u soo dhacay 231,606 oo qof, waxaana u dhintay 27,709 oo qof. Waxaa ka bilaabmay dadkii inay aad u soo daataan, Isbataaladii buuxsamaan, Dadkii banaankaa la wadhay. Dhakhatiirtii iyo wasaaradii cafimaadkuba markay dhinacna kaga hagaagi kari waayeen waxay is yidhahdeen inta roon badbaadiya, oo ah caafimadka dagaalka (Medical War) waana in qofka lagu qiimeeyo in aanu badbaadeyn aan hawl badan la iska gelin ha iska dhintee, Bukaankase la is leeyahay waa suuragal in la badbaadin karo uun xooga ha la saaro. Markaasaa qofkii oo nool baa mishiinadii laga bakhtiinayaa ama qof kale loogaga saarayaa.

Maanta hadaba Talyaaniga iyo Spain labaduba waxaa ay noqdeen dadka Europe ugu saamaynta badan yahay cudurkan Covid 19 ha noqoto xagga Safmarnimada, xagga Bukaanka, xagga Dhimashada , xagga Dhaqaalaha iwm

CIIDAHA IYO XAJKA GOOBAHA BARAKAEYSAN

Dhamaan Diimuhu waxa ay leeyihiin waqtiyo la isugu yimaado goobahooda barakaysan sida muslimiintu Xajjka sanadkiiba mar u tagaan ayaa diimaha kalena u tagaan goobahaooda. Hadaba kulamadaa khalqigaa intaa lee’egi isugu imanayo waxaa dhacda mararka qaar in cudurro ka dilacaan oo dad badani u le’edaan. waxaana tusaale u soo qaadan karnaa kuwan

 Sanadkii 1831 M ama 1246 Hijri waxaa Daacuun ka dilaacay Makkah waxa uu ku galaaftay waqtigii Xajka gudihiisa afar meeloodoo saddex (¾) Xujaajtii sanadkaa.

 

 21 sanadood oo is xigay waxaa ay taariikhdu warinaysaa in sanadihii 1837-1858 M ama 1253-1274H ay ka dilaaceen Daacuunno is xigxigay oo aan dhamaanayn Bilaadkaa barakaysan ee Xaramaynka, waqtigaa waxaa diiwan gashan in ilaa 7 sanadood oo ka mid ahaa aanan cid xujey ihiba soo niyayasan Xajka baqdin laga baqayo in cuduradaa degay dhulkii barakaysnaa. Waxaana laga sheekeeyaa in Xajkii Sanadkii 1846M ama 1262H uu daacuun hadheeyay Xajkii waxaana maalin kaliya ku dilay 15000 oo Xaaji

 Sidoo kale Sanadkii 1858M ama 1274H ayaa daacuun nooca Cholera ahi aduunka ka dilaacay weliba xagga Masar ayuu aad ugu batay, dabadeed Culimadii waxa ay u diideen in ay sanadkaa reer Masar soo galaan Xaramaynka si aanay u aafayn muslimiinta kale. Wixii intaa ka dambeyeyna waxaa la sameeyay goobo dadka lagu hayo (Quarantine), Xeryahaasi waxa ay ku yaaleen inta badan xeebaba bada cas sida Caqaba iyo Sinai iyadoo Xujaajta lagu hakinayay sii socod iyo soo noqoshadoodaba (Go/Back) Sidaasay ahyd Intii u dhaxaysay 1830 ilaa 1930 waxaana maamulayay Boqortooyadii Cusmaniyiinta. Isla waqtigaa waxaa diiwaan gashan in bilaadka xaramaynka uu ka dilaacay Cholera 27 jeer in ka badan.

 Sidoo kale dhawr jeer baa Reer Ciraaq laga hor joogsaday Xajka cuduro ka dilaacay awgood, xataa Yemen sidasaa lagu sameeyay, in kasta oo ay Daacuunadu Xajka ka dhaca loo sababayn jiray Xujaajta ka imanaysay Masar iyo India

 Kaba darane sanadkiii 1858M ama 1274H waxaa dhacay qax balaadhan oo badanka reer Xijaas (oo ah degaanka xeebaha bada cas iyo labada Xaramayn) ay xanuunadaa soo noqnoqonayay awgood uga qaxeen dhulkoodii una qaxeen dhankaa iyo Masar

 Isla Xajkii sanadkii 1892M ama 1309H Cholera xun ayaa ka dilaacay Xajjka kaasoo xujaajtii aad u laayay waxaana laga sheekeeyaa in Maydadkii Xujaajta la kala guri kari waayay xataa la waayay meel la dhigo iyo lagu Aaso, fara badni awgeed, dabadeed waxaa ay is dul baxeen laga bilaabo degaanka Carafo, Deegaanka Musdalifa, ilaa deegaanka Mina ilaa lagu soo dhawaanayo gudaha Makkah

 Taariikhahan dhawna Xajkii sanadkii 1987M ama 1407H waxaa ka dilaacay Qoorgooye ama Meningitis kaa soo galaaftay in ka badan toban kun (10,000) oo Xaaji

 Waxase aynu maqalnaa xukuumada Sucuudiga oo sandaha ka joojinaysa wadamada qaar, sida daacunada Bangaladhesh, Ebolihii Afrikada Galbeed imw. Waxaana ay muujinaysaa inay mas’uuliyad dareemayaan oo ah inay ilaliyaan Xujaajta kale ee fayow ee dalalka kale badan.

 Feb. 2020 isla sanadkan waxaa ka dhacay Xaruntii waxbarashada ee Shiicada Qom, oo ay degan yihiin culimada ugu caansan Shiicadu, sidoo kale ah goob ay ku soo hirtaan ardayda aduunka ee doonaysa inay bartaan cilmiga madhabta shiicada. Waxaana joogay in ka badan 40,000 oo arday. 21 February 2020 ayaa saddexdii qof ee ugu horaysay ku dhinteen Qom. Wax yar ka diba 13 March, waxaa cudurkii noqday mid aafeeya dalkii oo dhan waxaana laga helay 11,364 qof Waxaan u dhintay waqtigaa 514 Ruux, dadka aadka u dhintay waxaa u badnaa culimaddii iyo wax garadkii shiicada, dabadeed waxaa loo aqonsaday Qom oo Iran ah epicenter ka Bariga dhexe. Maanta Iiran wuxuu ku dhacay 124,603 qof waxaana uu dilay 7200 qof.

 

Hadaynu wax ku qaadan weyno waayaha aduunka soo maray.

sow noqon mayno sidii abwaankii yidhi weligayba meel lagu jabaan soo jiqila weynaa

GABAGABADII IYO GUNAANADKII

Walaalayaal dadkeenu way la socdaan waxa ka dhacaya Aduunyada, sidoo kale Hay’adaha wararka tebiya ee aduunkana war inaguma seegana, hadana maxaa inaga si ah? weli ma hayno feejignidii la inaga filayay, si aan dadkeena uga badbaadino masiibadan soo ilkaha weyn ee aan sina inoo gafayn.

Inagoo hadana ogsoon qaababka dunidu isaga difaacayso xanuunkan, inaguna aynaan wax badan u qaban karin Bukaanka uu asiibo daacuunkani. Bal aan yara eegno awoodahaa loo baahan Yahay si wax qabad loo helo: –

1. Awooda dhakhtarada cusub lagu dhisayo

2. Qalabaynta dhakhtarada

3. Dhisida qaybaha dadka aadka u culus lagula tacaalo (ICU)

4. Mishiinada neefsiga caawiya (Ventilators)

5. Mishiinada Oxygenta dhaliya iyo Haamaha lagu keydiyo (Central Oxygen and Cylinders)

6. Mishiinada sheybaadhka ee u gaar ah xanuunkan (Rt-PCR)

7. Shaybaadhada sida joogtada ah loogu baadhayo xaaladaha caafimaad ee bukaanka

8. Qalabka loo xidhayo bukaanka

9. Qalabka difaaca bahda caafimadka oo dhamays tiran (PPE)

10. Dawooyinkan la isku raacsan yahay ee wuxuun ka taraya xanuunkan iwm.

 

Tusaale Awoodena: hawlwadeenada caafimaadku waxa ay u dhaqaaqeen in ay taageero cafimaad siiyaan dhamaan bukaanada u soo dhacay xanuunkan, hadaba HCS (Health Care Staff) kii waxa uu damcayaa in uu wax u qabto bukaanka, wuxuu siinayaa Oxygen, qofka kaliya ayaa uu isticmaalayaa maalintii ilaa 3-4 Haamood oo Oxygen ah, ogow oo dalkoo dhan hal machine oo shirkadi leedahay ayaa yaala, cida ugu dhaw ee wax uun lala gaadhi karaa waa bukaanada magaaladeena Hargeysa, Iyana looma hayo Haamo ku filan. Waxaa soo raaci kara waa Borama oo u baahan in maalin walba haamaha Oxygen-ta gaadhi ka soo qaado, markuu dhaamiyana dib u qaado. Bal hadaba ka warran Berbera, Burco, Ceerigaabo, Laas-caanood. Goormaa lala gaadhi Oxygen, hadayse ka go’do Oxygen bukaan ay ku xidhan tahay, xagee looga keeni, ku daroo Oxygen la’aan qofku ma noolaan karo 3 daqiiqo ka badan.

Sidaa awgeed sow inooma cadda awoodeenu, hadaba inatynu dhamaan lahayn ee aan Tafiir go’i lahayn sow ma haboona inaan qaabkan aan u noolnahay wax ka bedelno?

 

Bal Walaal isku day inaad igala jawaabto weydiimahan hoose

1. Maxaan ka yeelnaa suuqyadeena ganacsiga?

2. Maxaan ka yeelnaa salaadeena Masajidda?

3. Maxaan ka yeelnaa Salaada Ciida Fitrida?

4. Maxaan ka yeelnaa Hotelada, Restourants-ka?

6. Maxaan ka yeelnaa Qaadka, Kabadhadiisa, iyo Mafrishyadiisa?

7. Iwm

 

Waxaa Diyaaariyay:

Xubin Gudiga la Talinta Gudiga ka Hortagga iyo la Dagaalanka Covid 19 ee Soomaliland

Dr. Axmed Aden Buxane