Soomaalidu waa Dad dhaqan oo Dabar go’aaya Qaybtii 4aad.

Waa mid kale iyo markale iyo taxanihii isdaba-dhunyaaleynaayey ee ka faaloonaayey  Soomaalida sidda waxay Qoomiyada ku ahaayeen uga xalmaayo ama uga maydhmaayo iyo sidda ayna u dhaadahayn Dabar go’ooda, Qormadan iyana waxaynu ku xusaynaa tiir kale oo kamid ah tiirarkii aynu midhomidhaysanaynay, Markana aynu eegno Af-soomaaliga, inkastoo maqaallo lagaga gayoon karahayn falanqayntiisa balse aynu isku dayno si kooban inaynu u faaqidno Afka ay Soomaalidu ku hadasho ama Af-soomaaliga, lyo sidduu usii qiimo dhacaayo ee uu usii qayirmaayo.

Af ama Af-Hadal waa weedho odhaaheed baaq xidhiidh dad isku fahmaan, kaas oo marka dad ama Ummad mudo dheer meel kuwada Dhaqani,  joogtaystaan kuwada hadalkiisa, wuxuu u suurto geliyaa inay noqdaan Qoomiyad leh Af hadal ay isku fahmaan oo ugaar ah, tabta ay qoomiyada Soomaalidu u leedahay Af-soomaaliga oo kale,

Af-Soomaaliga ama Afka Soomaalidu waa Af soo jireen ah oo mudo aad u dheer ku hadalkiisu soo taxnaa, inkastoo aan lahayn mudo-Taariikheed sugan oo la odhan karo xilligaas ayuu noqday Af hirgalay, se waxa aanu murran ka joogin in Afka Soomaalidu yahay Af aad u Facweyn, hase yeeshee waxa uu billaabmay in uu noqdo Af qorma oo hirgala lana qoroy lagasoo billaabo 1972kii, Af-soomaaliga waxa loo qaybiyaa laba, Tix iyo Tiraab, Tix waa inta Suugaanta ah, Tiraabini waa inta hadal Ahaan loogu tiraabo ama loogu hadlo, ,

Sidda aynu wada ogsoonahay Af-soomaaliga waxa lagaga hadlaa dhul deegaan baaxad weyn se nasiibdaro soohdimo iyo xuduudo dalal kala qaybiyaan kuwaas oo looyaqaano SHANTA SOOMAALIYEED, shantaa Dal ee Soomaalida oo lagu magacaabo Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti, Itoobiya (kililka) iyo Kiiniya (NFD), shantaa Dal ee Soomaaliyeed laba Dal Soomaali ayaa si Sooc ah u degta oo leh halka Saddexda kale Qoomiyado kale lawadaagaan Dalka, taas oo keentay in ay layeeshaan qoomiyadahaa kale Af aan AfSoomaaliga ahayn oo laysku Afgarto, taas oo iyana keentay in AfSoomaaligii uu Af qoomiyadeed noqdo oo aanu noqon Af Qaran, se waxa Dhacday in labadii Dal ee Soomaalidu  sooca ku ahayd midoobaan, waa Somaliland iyo Soomaaliya, ayna labaxaan Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliyeed, waxay Noqdeen hoygii Afka waxay hirgeliyeen in Af-Soomaaligii Af Qaran oo qorma noqdo, in Dugsiyada wax Barashada Dugsi hoose ilaa Jaamacada Af Soomaali wax lagu Barto oo Cilmiyadii aduunka ka jiray ee afafka qalaad lagu baran jiray inta loo Aray bixiyey ayaa AfSoomaali loo wada rogo, ilaa haykalkii Dowlad-nimo ayaa AfSoomaali Aray-bixin loogu jaangooyey.

Haddaba laga soo billaabo dabayaaqadii qarnigii 20aad Af-Soomaaligii waxa soo foodsaaray isbedal, waxaana ku dhacay qiimo-dhac, qayiran iyo inuu dayac doorsoomo,  oo aanay ciddi xaallayn, oo ciddina u tafo-xaydan sidday wax uga qaban lahaayeen dabar-go’iisa, waxa ugu wacanaa in Af-Soomaaligii Gabal-baasi u dumo, waxay yihiin masiibooyin dhowr ah oo isbarkan oo  ku habsaday dadkii ku hadli jiray iyo deegaamadii lagaga hadli jiray labadaba,

Kuwaas oo………….. Lasoco qormada danbe.

 

Af aanad lahayn Afxumuu ku Baraa!

Fuad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker