Karoonaha (COVID-19) Ka dib Nidaamka Waxbarashadda Somaliland Maxaa iska Beddeli Doonnna ( 1)

Mustaqbalka waxbarashaddu wuxuu ku socdaa habka casriga ah ee loo yaqaanno (E-learning),si  toos ah ayaa dunnida oo dhan looga dhaqan gelin doonna meel kasta iyo markasta,iyada oo la caalamiyeyn doonno hab dhigistan cussub ee masaafada fog,Barrayaal leh xirfadda meel marinta iyo  gudbin casharada dhex maraaya tiknolojiyada laguna tababarey  ayaa dhinca kale ah wax mustaqbalka laga fekiri doonno,Manhaj u gaar ah nidaamka waxbarashada masaafada fog tacliintiisa oo ku saleysan magaalo iyo miyiba suurtagelintiisu waxey noqon doontaa arrimaha laga baran karro halganka caqabadaha koroonaha,Meel marinta iyo dhaqan gelinta xidhmo dhaqaale lagu meel mariyo mashruuc lagu gaadhsiiyo Mustaqbalka waxbarashada masaafada fog miyi iyo magaalaba waxa ay noqon doonta khibrad iyo waayo aragnimo laga dhaxli doonno isbeddelkani

qodobadani ayaa mustaqbalka talo ahaan ina anfacaaya

  1. Waa in laga Fekiraa (Channels iyo Tv) u gaar ah waxbarashadda oo si joogta ah  mustaqbalka looga baahiyo Waxbarashadda iyo casharadda si ardeydu ula qabsadaan ugana hellaan markasta casharo socda ama baxaaya.
  2. Carruurta iyo Ardeyduba wey jecel yihiin Tiknolojiyada iyo guud ahaan agabyadeeda Mustaqbalkana wey la qabsan doonaan waxbarashada Masaafada fog.
  3. Mustaqbalka waxa dalku yeellan doonna Macallimiin iyo barayaal waayo arag ah oo labada haba wax ku dhigi kara,bixinta casharada masaafada fogna laga tababaro.
  4. Manhajka waxbarasho oo cussub ayaa loo diyaarin doonna dalka kuna saleysan waxbarashadda masaafada fog(Online Education),kaasi oo noqon doona mid ka duwan kii horre ee qornaa,waayo meelo badan tusmada cadadka tirsiga ciwaanada waxbarashada iyo xirfadduba wey is beddeli doonnaan,helida xirfadd cussub iyo hannan waxbarasho cussub ayaa la dhaqan gelin doonna.
  5. Waxa iman Doonta in Jaamacaddaha Somaliland guud ahaantooda loo fasaxo loona ogolaado in ay bixiyaan waxbarasho masaafo fog iyaga oo haddaba ku hamiyaaya,Waxaana mustaqbalka la qaadan doonna sannad dugsiyeedkasta ardey hab #Online ah wax ku dhigan doonta.
  6. Ardeyda iyo Macallimiintu waxa ay sii wadan doonnaan nidaamkan cussub ee ay muddadii hadda la soo dhaafey ku wada xidhiidhaayeen,Awoodda Googleclassroom,Zoom,Videos,Whatsupku wuxuu noqon doonnaa goobo ay si joogto ah ugu wada xidhiidhaan ka sakow dhismaha jaamacadda iyo koolejka.
  7. Waddamo badan ayaa wixii ka danbeeya June 2020 u fasaxaaya una hirgelinaaya jaamacaddahooda guud ahaan bixinta waxbarashadda masaafada fog
  8. Waa in Dhammaan Casharada Koorasyada kala duwan ee  dalka lagu dhigto lagu Keydiyaa Shebekado iyo Websites Markii loo baahdo lagala soo dego ama furan karo kooras kasta.
  9. Waa in guud ahaan dugsiyada Dawladda iyo kuwa gaarka ahba  loo xidhaa  khadka internet xawaarihiisu dheereeyo si ardey kasta u helo xawaare sarre oo uu casharaddiisa kula soo degi karo waxna ku baadhan karo.#Internet Connectivity
  10. Ardey kasta gurigiisa ayaa u noqonaaya isgoolkii,isaga oo guriga jooga ayuu isgoolkiina joogaa.

 

La soco Qodobada kale…………………………………………………..

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.co

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker