Maxaad la socota Taariikhda Mucjisadii Fanka Somalida Cumar Cabdulle (Cumar Shooli)

Cumar ShooliCumar Shooli

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday alle ha u naxariistee fanankii waynaa ee Cumar Cabdulle (Cumar Shoolli).

 

Cumar Shooli ayaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho waxaa uuna u geeriyooday sida dadka ku dhaw-dhaw ay shegeen cudurka Macaanka ama Sokorta.

 

Fanankii waynaa ee Cumar Cabdulle (Cumar Shooli) ayaa sida la sheegay ku dhashay degmada afgooye ee gobolka shabeellaha Hoose, waxaana da’diisa lagu sheegay dhowr iyo sideetan.

 

Waxaa uu fanka ku soo biiray sida uu ku sheegay wareysiyadii uu horey u bixiyay in ka badan 45 sano ka hor.

Shooli ayaa fanka kaga soo biiray dhanka ciidamada oo waxaa uu ka mid ahaa militarigii Soomaaliya sida uu ku sheegay wareysiyadii hore ee uu bixiyay.

 

Fanaanka waxaa uu qaaday heeso badan oo ay ka mid ahaayeen heesta la dabaalo Caashaqa iyo heesta aroosyada ee aadka loo jecelyahay ee Ladnaan ku waara.

 

 

Maxaa loogu bixiyay ma daalaha Hobolladii waaberi?

 

 

Cumar Cabdule (Shooli) ayaa waxaa uu ka mid ahaa kooxdii qaranka ee Waabari.

Cumar ayaa waxaa uu fanaaniinta kale kaga duwanaa in uu ciyaari jiray kaalimo kala duwan sida qaadida heesaha, tumidda muusiga iyo waliba jilliinka.

 

Mar la waydiiyay Cumar Shooli sababta loogu bixiyay ma daalaha waabari ayuu sheegay in uu ahaa nin howla badan isku qabta taasi oo dad badan ka yaabisay ka dib na magaca loo bixiyay.

 

“Waxaan qaban jiray shaqo saddex qof u baahnayd ayaan kaligey qaban jiray,” ayuu yiri cumar Shooli.

 

Cumar Shooli ayaa alle ha u naxariistee sheegay in mararka qaar ay dhici jirtay in hal habeen uu ka qeyb galo dhowr barnaamij taasi oo xitaa dadka shaki galisay in dhowr cumar Shooli ay jiraan.

 

 

 

“Magaalada Marka ayaa waxaan ka soo dhigayaa Ruwaayad waan ka soo tagayaa waxaan imaanayaa Jubba Gitaar ayaan ka tumayaa waan heesayaa , subaxiina waxaan fadhiyaa barnaamijikii Kadis, dadku waxay is yiraahdeen markaa waa Shooliyaal badan ma aha Shooligii aan arki jirnay,”, ayuu yidhi shooli.

 

 

Magaca Madaalaha Waabari ayuu sheegay in uu u bixiyay alle ha u naxariistee Wariye Cabdalle Nuuradiin.

 

Halkuu ka yimid magaca Shooli?

 

Alle ha u naxariisteen fanaanka Cumar Cabdulle waxaa uu lahaa naanesyo badan.

Waxaa ka mid ah magaca inta badan dadka Somaalida ay u yaqaanaan ee Shooli oo ah magac yaraantiisii ay asxaabtiisa u bixiyeen.

 

Mar wax laga waydiiyay magaca Cumar shooli ayaa waxaa uu ku jawaabay:”Waxaan ku fiicnaa dabaasha, xeebta Liido waxaan ahaa ninka koowaad haddii aan waayo ama labaad waxaan ahaa saddaxaad marka waxaa jira Kalluun afdhuuban oo dabaasha ku fiican marka Shooli meeshaas ayay ka timid,” ayuu yidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker