Lixdii Bilood ee  ay IsBadashay  Taariikhda  Somalia,, Qalinkii Suxufi Sinyoore

Lixdii Bilood ee  ay IsBadashay  Taariikhda  Somalia

 

 

Qalinkii Suxufi Sinyoore.

 

 

 

 

Waxa uu Lix bilood oo uu Raiisul wasaare ahaa  Maxamed Cabdilaahi Maxamed (Farmaajo)   uu ku Guulaysatay in uu dhiso Dawlad leh raad Dawladnimo oo indhaha Caalamka soo jiidatay, sidoo kale mudo kooban ayay Ummada Somaliyeed ku diirsatay Hogaamintiisa kadib markii uu dhisay dawlad Amaano iyo hawl kar ku Caan baxday .

Markale ayay Umada somaliyeed nasiib u yeelatay inuu Hogaamiyo kadib Markii 2017 dib loo doortay dhamaan umada somaliyeed oo dhan ayaa u riyaaqday .

 

 

Balse kamuu leexan jidkii Loo doortay oo waxa ka markhaati ah .maalinkasta somalia waxay mid mid iyo talaabo talaabo ugu soo laabaynaysaa fagaareyaashii caalamiga ahaa.

 

Dhinaca siyaasada arimaha dibada wuxu Hirgaliyey Siyaasad arimo dibadeed oo wood badan isla markaana dunida dib u xasuusiyey samaayntii somalia caalamla kulahayd 70’s kii ama 80’s … Goaan qaadaasho adag xaalada adag. Farogalinta shisheeye oo ahayd halkii ay somalia ka burburtay kana soo kabmiwayday ayuu gacan bir ah ku qabtay.

 

 

Waxa la ga xusuustaa talaabooyinkii kala duwanaa ee uu ka qaatay dawlada imaaraadka, ergaygii qaramada midoobay iyo dawlada kenya .oo dhamaantoo ku gafay qaranimoda somaliya.. Dhisitaanka dawlad dhexe oo awood badan.

 

 

Nidaamka federalka oo ah nidaam aanay somalidu dooran ee dalka dibadiisa loogunsoo dhisay ayaa noqday caqabad adag oo dawladihii hore ka shaqayn kari waayeen taas oo uu ku xaliyey farsamo heer keedu sareeyo oo cadawga somaliyeed ku noqotau dhirbaaxo ay naxaan walina uu kujiro.

 

Maan Ragga Waa Mudacyo Afkood, Ama Muruqa Laba Suul Ninba Si ku Ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker