Daawo Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Laba Qof Oo Laga Helay Cudurka Caabuqa Corona-virus

Xukuumadda Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday In Laba Qof oo Ku Kala Nool Magaalooyinka Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil iyo Burco ee Gobolka Togdheer laga helay Cudurka Caronavirus ama Covid 19.

Sidaas waxa   warbaahinta Maxalliga ah u xaqiijiyay Wasiirka  Wasaaradda Caafimaad Cumar Cali Cabdilaahi.

Wasiirku waxa uu sheegay nin dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka China oo jooga Magaaladda Berbera laga helay cudurkaasi, halka qofka kalena uu sito dhalashada wadanka Ingiriiska.

Wasiir Cumar Cali waxa uu intaasi ku daray in sidaasi lagu ogaaday ka dib markii shaybaadhkooda loo diray wadanka Kenya, halkaas oo lagu soo xaqiijiyay, Halkan Hoose Ka Daawo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker