Wax ka Ogow Xawliga Korodhka Dhimashada Dadka Uu Laayay Coronavirus

Muqdisho (OWN) – Tirada dadka u dhintay iyo kuwa uu soo ritay Cudurka Corona ayaa korortay caalamka, sida ay warisay jaamacadda Johns Hopkins.

 

Warbixinta Johns Hopkins ayaa lagu sheegay in saaka   oo Taariikhdu Tahay 28 March ay Tirada dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus dalka Mareykanka ay gaadhay in ka badan 104,000, dhimashaduna ay haatan kor u dhaaftay illaa 1,700, taas oo dhimashada guud ka dhigaysa 27,360.

 

Sidoo kale tirada ugu badan ee dhimashada waa dalka Talyaaniga ayaa gaadhay 919  qof, sida ay shaacisay dowladda dalkaasi.

 

Spain ayaa sidoo kale dhankeeda 24-kii saac ee la soo dhaafay diiwaan-gelisay illaa 769 dhimasho ah, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada dalka 4,858 oo qof.

Dhinaca kale marka la’eego qaaradda Afrika waxaa illaa iyo hadda kiisaska la xaqiijiyey ay kor u dhaafayaan 3000 oo kiisas ah.

Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya ee uu Cudurku ku hayo halis badan, waxaana dowladda dalkaasi ay shaacisay dhimashadii ugu horreysay ee Corona.

Sidoo kale wadamada Kenya, Uganda iyo Jabuuti ayaa lagu soo warinayaa kiisas cusub oo la xadhiidha cudurkaasi sida fudud ku faafa.

Ugu dambeyn Soomaaliya oo la xaqiijiyey illaa saddex kiis ayaa dhankeeda haatan wada dadaallo xoogan oo ay uga hortageyso faafitaanka cudurkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker