Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Federaalka ah ee Somalia oo Sharaxaad ka Bixiyay Iskuulka 15 May ee ay La Wareegeen

Muqdisho (OWN) – Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay Ujeedka ay Wasaaraddiisu ula wareegeyso Iskuulka 15 May oo ay maamulayeen Guddiga waxbarashada reer Masar, iyadoo ardayda dhiganeysay Iskuulka ay si lacag la’aan ah wax ku baran jireen.

 

Wasiir Goodax oo wareysi siiyey Idaacadda BBC ayaa been Abuur ku tilmaamay war ay sheegeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo  ahaa in sababta ay dowladda ula wareegtay iskuulkaas ay tahay amar kasoo baxay Dowladda Itoobiya oo Xidhiidh la leh khilaafka dowladaas kala dhaxeeyo Masar.

 

“Waan Arkaayay baraha bulshada iyo baraha internet-ka arrimaha Soomaalida ka hadlo xildhibaanno ka hadlaayo, aniga xildhibaannadaas, xildhibaanno siyaasadda ka dhacay oo dowladnimada iyo wadaniyadooda ay aad u hoosayso ayaan aaminsanahay inay yihiin”. ayuu yidhi C/llaahi Goodax Barre.

 

Isagoo ka hadlayey ujeedka ay Wasaaradda Waxbarashada ka leedahay la wareegitaanka iskuulkaas ayaa sheegay inay ula wareegeen si ay wasaaradda ugu qabsato shaqooyinkeeda.

“In go’aan iskuul ku yaal Xamar oo aan dadkeenna ugu danaynayno oo aan Howlaheenna ku qabsanayno ay yiraahdaan dowladda amar ayaa meel laga soo siiyay waa u wadaninimo xumo waana u dadnimo xumo. Waxay rabaan oo kale ha sameeyaan laakiin inay tacliinta siyaasadeeyaan waa u dadnimo xumo.”ayuu yiri Wasiir Goodax.

 

 

Qoraal ay qortay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey Guddiga Waxbarashada reer Masar ee Soomaaliya in dowladda ay kala wareegeyso maamulka iskuulka 15 May, ayada oo la isku raacay in kala wareegista ay dhacdo 20-ka April 2020.

 

 

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay inay Dugsigan 15 May ka dhigi doonta Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka.

Dugsiga 15 May ayaa tan iyo sanadkii 2015 waxaa gacanta ku hayay Guddiga Waxbarashada reer Masar, iyadoo Iskuulkan manhajka laga dhigayay uu ahaa manhajka waxbarashada dalka Masar oo ah waxbasradaha Hoose iyo dhexe.

 

 

Ma cadda sababta go’aanka Loo qaatay iyo haddii arrintan ay ku ku lug leedahay xiriirka labada dal oo toddobaadyadii dhowaa u muquday mid aan wanaagsaneyn.

 

Soomaaliya ayaa dhowaan ka laabatay qaraar kasoo baxay Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray qadiyadda Masar ee muranka kala dhaxeeya Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker