Waa Imisa Lacagta Ay Kooxaha Premier League Ka Jarayaan Mushahaarkooda si ay Ugu Caawiyaan Dagaalka ka dhanka ah Coronavirus

Kooxaha Horyaalka Premier League ayaa dhimi doona lacagta Mushaharka ay Ciyaartoygooda u siiyaan waqtiga xayiraadaha ay saaran yihiin ciyaaraha Horyaallada Yurub, kuwaas oo loo joojiyey Xanuunka Coronavirus oo si weyn ugu faafaya adduunka.

 

Shir degdeg ahaa oo shalay ay yeesheen Maamullada Premier League iyo EFL iyo waliba Ururka Ciyaartoyda Ingiriiska ee PFA, ayaa  lagaga wada hadlay istaraatiijiyadda lagu badbaadin karayo kubadda cagta muddada ay musiibada Coronavirus-ku taagan tahay.

 

Waxaana kooxuhu soo bandhigeen inay lama huraan tahay in la dhimo mushaharka ciyaartoyda iyo shaqaalaha.

 

Wali heshiis may gaadhin kooxaha Premier League oo ku saabsan mushahar dhimista iyo xaddiga ay koox walba ka jari doonto ciyaartoygooda, laakiin waxay mabda’ ahaan isla ogol yihiin in la dhimo mushaharka, si kooxuhu uga badbaadi karaan qalalaase dhaqaale.

 

Warku waxa uu sheegay in 20-ka kooxood ee horyaalka Premier League, ay saddexda bilood ee soo aaddan ka jari doonaan ciyaartoygooda lacag gaadhaysa £100 milyan oo Gini, taas oo ay si toos ah ugu caawin doonaan naadiyada heerka hoose ee Championship-ka oo qaarkood ay hore uga dalbadeen in la badbaadiyo si aanay u dumin.

 

 

Mushaharka xili ciyaareedkii ay bixiyaan kooxaha Premier League ayaa lagu sheegay £2 bilyan oo Gini, waxaana xiddigaha ugu mushaharka badan ay yihiin Kevin De Bruyne, Paul Pogba, Mesut Ozil, Mo Salah iyo Harry Kane, kuwaas oo saddexdaas bilood ay lacagta mushaharkooda ka gu’i doonto qiyaastii £750,000 mid kasta.

Si kastaba ha ahaatee, Premier League, EFL iyo PFA ayaa waxay u ballansan yihiin kulamo ay go’aamo rasmi ah kasoo saari doonaan maalmaha soo socda, kaas oo noqon doona midka ay rasmi ahaan kooxuhu ugu dhaqmi doonaan muddada uu xanuunka Coronavirus-ku jiro.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker