SOMALILAND MAXAA MAANTA LA GUDBOON OO KA HORTEGAYA CORONOVIRUS KA.

Madaxweyne Muse Biix waxa  la gudboon inuu shir degdeg ah la qaato laba Gudoomiye ee Xisbiyada oo labadooda  oo hareeraa ka xiga  ay TV ga qaranka ka soo baxaan iyagoo seddexdooduba bulshada kala hadlaya sida qacmaha la isku qabsanayo ee looga hortegayo aafada cudurkan dunida khatarta ku ah ee bilawga ah ilaa haddana in ka badan 200 wadan faraha kulul ku haya.  Cudur kani halkuu dawladaa waawey hal darbad cudur ahaan ugu dhacayo  inaga  laba darbadood ama laba jeer laba dhirbaaxo ayuu inagu dhufanayaa oo aynaan itaal u hayn . Ta koobaad waa cudurkii coronovirus oo fidaya oo ummaddii ku dhacaya ta labaad waa cudurkii  oo wixii debedda kaaga imanayey oo istaagaya hadday  cash biila tahay iyo hadday badeecad dawo iyo raashin tahay. Imika xaawaaladii waa la xidhay xafiisyadoodii Europe iyo America iyo Canadaba.  Tusaale waxaa inoogu filan doraad Hotel kii  Sky ee diiday dad  aan la baadhin oo dayaarad laga soo rogay in qasab lagu seexiyo in la xidhaana ceeb bay dawladaa ku ahayd waayo mulkiilayaashu lacag may diidayn ee caafimaadka ummadday ka taliyeen.

Dunida kale  waa  sidoo kale maraakiitu waa private,dayaaraduhu waa private masnacyadu waa private  dawladuu ma qasbi karaan wixii inoo imanayey marka hore way yaraanayaan marka dambe way istaagayaan. Markaa  wadanka front line ka waxa weeye Madaxweyne iyo Gudoomiyayaasha markaasaa gudiyo doctors HOGAAMINAYAAN imanayaan shaqadu sidaasay inoogu socon kartaa tijaartu wax ku bixin kartaa bulshadu iyagoo  qacmaha is haysta farxad wax ku wada qaban karaan. Inta Muse gurigiisa kasoo dhex hadlayo ee Ciro gurigisa kasoo hadlayo ee Faysal kolba hadal dhinac toortuurayo Cudurkani haddaan laga gaashaaman Duco khaliyi waxba ma tarto Allah ficil ku daro ina yidhi ducaystana. Kitaaba quraanka ah fahma sida Caafimaad uu uga hadlay yo miyiga Caafimaadka ee ka buuxa.

Maanta waa in uu Muse faraha kala baxaa  jagooyika CIIDAMADA Xaafadaa kaga qaylisiinaya shaqada qudha ee hortaallaa was inuu u yeedho  Ciro yo Faysal oo ay ka soo wada baxaan  TVga qaranka iyagoo ka hortegaya Coronovirus oo dirayskii dagaal cadawga cusub xidhan. Haddaa diido Muusaw taladaa  SAHA DAMBAAD GARAN
Waxaa Muse Biixi iyo Gudoomiyayaasha loo hadal hayaa iyagaa hoggaankii ummadda ah oo Cashuurtii dawladda haya  oo Cidamadii iyo nidaamkii gacanta ku haya. Ummaddu bilaa nidaambay ku shaqayn  doontaa haddaydaan seddexdiinaasu horkicin.
M Bashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker