Waxaa Suurta Gal ah in Nus Milyan Qof oo Reer Sweden ah uu Asiiabay Xanuunka Corona

Ilaa iyo imminka in ka badan 90 qof ayaa u Geeriyootay Cudurka Coronavirus Sweden halka ku dhowaan shan boqolkiiba dadka ku nool dalkana goor hore dhici karto in uu ku faafay cudurka, sida uu sheegay Tom Britton oo ah Professor cilmiga tirakoobka xisaabta ku xeeldheer.

 

Sidoo kale waxaa jira su’aalooyin soo baxaya oo ah in cudurka uu ku faafay Sweden ka hor inta hay’adda caafimaadka bulshada aysan sheegin.

 

Madaxa dowladda u qaabilsan cudurada faafa, Anders Tegnell ayaa sheegay in dadka u dhintay cudurka Coronavirus ee dalka ay isku cel celis ahaan ku jireen cisbitaaladda muddo bil ah. Hadalkaasi ayaa soo kiciyay su’aalo ah goorma ayuu faafida cudurka Corona ka bilowday Sweden.

 

suuragal ma atahay in cudurka uu faafsanaa ka hor 16 bishan Maarso oo ah markii ugu horreysay ee hay’adda caafimaadka bulshada mooday in cudurka uu bilowday in uu faafo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker