Magaaladii Wuhaan ee uu kasoo Bilaabmay CoronaVirus-ku oo Gabi ahaanba Xayiraadihii laga Qaaday

Magaalada Wuhan ee Shiinaha, oo ah halka uu markii ugu Hoorreysay ka dillaacay Cudurka coronavirus, ayaa bilawday Sabtida maanta ah iney qaado Xayiraaddii mudada laba bilood ah saarneyd magaaladaasi.

 

Waxaa dib loo bilaabay Qaar ka mid ah Adeegyada Tareennnada iyo dib u furitaanka Xuduudaha, taasi oo u Oggolaaneysa in xaaladdu ay caadi ku soo laabato qoysaskuna ay dib u midoobaan.

 

Ka dib markii laga go’doomiyey dalka intiisa kale muddo laba bilood ah, dib-u-furidda Wuhan, oo ah halka uu cudurku markii ugu horreeyay ka soo bilowday dhammaadkii December ee sanadkii hore, ayaa waxay calaamad u tahay guusha dagaalka feyruskan uu Shiinuhu ka gaaray. Feyruskan ayaa ku faafay in in ka badan 200 oo waddan oo caalamka ah.

 

 

Maamulayaasha magaalada ayaa Qaatay go’aanno ad adag si ay u joojiyaan in ay dadku ka baxaan ama galaan magaaladan warshadahu ku badan yihii ee ay ku nool yihiin dad 11 milyan ah kuna taalla bartamaha Shiinaha.

Qoysaska ayaa lagu xannibay guryahooda, iyadoo adeegyada basaskana la joojiyay, waxaana la ogoolaa oo qura in dukaammada raashinka ay sii furnaadaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker