Madaxda Dawlada Goboleedyada Somalia Waa Tuug , Waxaana Ugu Daran Puntland iyo Jubaland,, Siyaasi Faarax Maclin

Nairobi (OWN) – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa weerar culus ku qaaday Madaxda Dawlada  Goboleedyada Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay kuwa “Xada hantida” deegaanadooda, wuxuuna si gaar ah usii weeraray kuwa Puntland iyo Jubaland.

 

 

Faarax Macallin ayaa Qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in madaxda goboleedyada, oo uu isaga ugu yeedho Badhasaabyo , ay ku kala duwan yihiin in kuwa Puntland iyo Jubaland ay “hantida ay xadaan” ku maal-gashtaan Dubai iyo Nairobi, halka kuwa kale ay ku maal-gashtaan Soomaaliya.

 

 

“Waxaan ogaaday farqi weyn oo u dhaxeeya badhasaabyada Musuq-maasuqa ah ee Jubaland iyo Puntland iyo kuwa kale ee Soomaaliya. Kuwa hore waxay lacagta ay xadaan ku maal-geliyaan Dubai iyo Nairobi, halka kuwa dambe ay lacagta ay xadaan ku maal-geliyaan Soomaaliya,

Ayaga oo dabaqyo Kaga  dhista magaalooyinka Soomaaliya. Kuwaas oo ah Tuug Wadaniyiin ah .

ayuu yidhi Faarax Macallin.

 

 

In Faarax Macallin si gaar ah u calaamadeeyey Madaxda Dawlada  goboleedyada Puntland iyo Jubaland, ayaa sababteeda loo arki karaa, inay yihiin kuwa ay is-khilaafsan yihiin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo Faarax Macallin uu aad u taageero.

 

Siyaasiyiin Soomaali ah oo ay kala artagti duwan yihiin dowladda dhexe, ayaa horey Faarax Macallin ugu eedeeyey inuu ka mid yahay mas’uuliyiinta biilka ka qaata Villa Somalia, si ay dowladda u difaacaan. Sidoo kale gabadhuu dhalay Faarax Macallin oo lagu magacaabo Xubi ayaa ka shaqeysa oo la-taliye ka ah Villa Somalia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker