Guddoomiyaha Guddiga Midawga Afrika Oo is Kaaratiimeeyay ka dib Markii Xanuunka Corona laga Helay mid ka mida Shaqaalihiisa

Guddoomiyaha Guddiga Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa jimcihii ku dhawaaqay inuu karantiimayn  ku jiro ka dib markii mid ka mid ah Shaqaallaha Xafiiskiisa laga helay Cudurka ‘coronavirus’.

 

“Waxaan Xaqiijin karaa in mid ka mid ah shaqaalahayga Xafiiskeyga ee Komishanka Midowga Afrika laga helay COVID-19. Qofka Shaqaalaha ah wuxuu ku jiraa xaalad deggan” ayuu yidhi Mussa Faki

 

 

“Tallaabooyin taxaddar leh ayaan qaadnay waxaan nahay karantiil aniga iyo qaar ka mid ah Shaqaallaha Xafiiskeyga” ayuu Mahamat ku soo qoray Twitter.

 

Waxaa uu sheegay in uu ku jiri doono karaantiil tan iyo inta laga baarayo ,maadaama uu aad ugu dhawaa qofka laga helay Coronna Virus.

 

Waxaa jira in ka badan 553,200 kiis oo adduunka oo dhan ah, oo in ka badan 27,000 ay dhinteen iyo in kabadan 127,500 ay ka bogsadeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker