150 Qof Reer oo Tuuniisiya ah oo Xirfad La Yaableh kaga Hortegay Xanuunka Coronavirus

Shaqaalaha warshad ku taal waddanka Tuunis ayaa Maalintiiba waxa ay soo saaraan 50,000 oo walxaha afka lagu duubta ah iyo qalab kale oo caafimaad kaddib markii ay doorteen inay goobtaas isku karantiilaan.

 

150 shaqaale ah oo u badan Haween ayaa  muddo bil ah isku karantiimeeyay  Warshad.

Waxaa dhiirigaliyay wadaniyadooda xilli dalka uu la tacaalayo Cudurka coronavirus, ayuu BBCda u sheegay Xamza Caluuni, maareyaha shaqaalahaas.

 

 

Khalwa Ribxi oo ka tirsan Shaqaalaha ayaa sheegtay inay si aada Ugu  xiistay qoyskeeda, Hasayeeshee dareenka wanaagsan ee saaxiibadeed shaqada ay ka heshay waxoogaa ay ku nasato.

 

“Ninkeyga iyo gabadhayda 16-jirka ah ayaa waxa ay igu Taageeraan oo ay igu dhiirigaliyeen inaan sidan sameeyo,” ayey Ms Ribxi oo madax ka ah wax soo saarka Warshadan

 

Warshadda ayaa Aalaaba waxa ay soo saari jirtay walxaha fayadhowrka Loo Adeegsado, hasayeeshee haatan waxa ay diirrada saartay inay soo saarto qalab caafimaadka  oo Loo isticmaalo oo lagu isticmaalo gudaha dalkaas.

 

Dalkan ku yaal Waqooyiga Afrika, ayaa Axaddii waxaa lagu soo rogay xayiraad, kaddib markii la xaqiijiyay in 227 qof uu ku dhacay cudurka coronavirus, halka lix Bukaanno ahna ay Todobaadkii hore cudurkaasi u dhinteen.

 

Khawla Rebhi

Dadka todobaad ka hor u guuray warshadda ku taal baadiyaha koonfureed ee caasimadda Tuunis waxaa ka mid ah dad cunto karinta ku wanaagsan, dhakhtar iyo Farmasiilayaal.

 

Dhismooyin kala duwan ayey ku jiraan 110 haween ah iyo 40 rag ah, waxayna haystaan kayd ay sii isticmaali karaan muddo bil ah.

 

 

“Meel gaar ah ayaannu u Astaynay dhammaan jimicsiyada iyo qoob ka ciyaarka ay haweenka u baahan yihiin – ragguna waxa ay leeyihiin goobo ay ku dheelaan kubadda cagta iyo midda kolayga” ayey ii sheegtay Ms Ribxi.

 

 

“Dhammaantayana waxaannu haysannaa internet oo waxaannu muuqaal ahaan kula sheekaysannaa qoysaskayaga markii aynaan shaqeynayn.”

 

Waxa ay sheegtay in warshadu ay maalinkasta shaqeyso inta u dhaxaysa 06:30 ilaa 22:30 ee waqtiga maxalliga ah, taas oo ah laba xilli shaqo oo kiiba uu yahay sideed saacadood, raggana ay inta badan shaqeeyaan xilliga dambe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker