Warshadda Cusub ee Dhuxusha by Amir Bidde

Waxa dhowaan la furay warshad gubta geedka garanwaaga oo dhuxulaysa si dhuxushaa loo iib geliyo. Waxaan rajaynaynay inaan helno oo aan samaysanno wax la shito oo lagaga maarmo dabargoynta dhirta dalka. Laakiin in dhirtii warshad loo soo iibsaday si loo dedejo xaalufinta dalka waa balaayo cusub oo Somaliland ku habsatay.

Somaliland waa dal saxaare xigeen ah oo dhirtu aad ugu yartahay. Haddana dadku dhammaantood ku tiirsan yihiin gubidda dhirta oo dhuxusha loo isticmaalo in wax lagu karsado lagagana diirsado dhaxanta.
Aqal kasta oo Somaliland ku yaal waxa lagu gubayaa dhir, maalin walba.
Iyadoo sidaa tooska aynu dhirta ugu noolnahay oo quuti-daruurigeenu ku xidhan yahay, haddana ma nihin dad dhaqan u leh beerista iyo xannaanada dhirta.
Dhaqankeena waxa asal u ah oo weli saamayn wayn innagu leh dhaqan reer guuraanimo. Reer guuraagu meel ma leh marba meeshii roob leh ayuu degaa. Dhirta gooyaa oo ku tagri falaa, muddo dabadeedna meel kale uga diga rogtaa.
Dhaqankani wuxuu xataa aad uga muuqdaa maamulkeena dawladnimo. Oo waxaynu markhaati ka wada nahay sida dawladaha hoose ee Somaliland u dabargooyaan dhirta. Siiba geedkan aynu ku magacowno Garanwaa.
Geedkan oo ah geed cagaaran gu’ iyo jiilaal oo dhulkeenii foosha xumaa midab u yeelay, ayuu shaydaan innagu diray. Magaalooyinka Somaliland waa kuwo qaawan oon dhir lahayn, halkuu maamulku ka dhirayn lahaa ayay maalin iyo habeenba ku mashquulsan yihiin siday dhirtaa Ilaahay ka soo saaray dhulka u dabargoyn lahaayeen. Oo xooggooga iyo lacagtoodaba ku dhammeeyeen siday dhirtaa uga dhammayn lahaayeen magaalada. Kaalinta 1aad ee xaalufinta Somaliland waxa gashay magaalada Gabiley. Oo dhirtii magaalada wada gubtay, iyagoo sidaa u arkaya inay tahay horumar. Iyadoo carruurtii Gabiley uskuulo ku filan ayna haysan oo fasalkiiba ay boqol ciyaal ihi is dul fadhiyaan.
Bal ceebtooda maalin dhowayd ayaa Jigjiga lagaga soo caawiyey baabuur geedo abuqaal ah. Hadda tii dabiiciga ahayd ee magaalada ka baxaysayna way wada gubeen.
Warshaddan dhuxusha markii la sheegay waxaan is idhi aar maantuu geedkii badbaadayaa. Laakiin markuu hadlay madaxa warshaddu waxa caddaatay inay tahay warshaddu nasiibdarro kale oo Somaliland  u soo korodhay. Waxaa la filayay inuu sheego inaan geed bilaa faaido ihi jirin dunida. Oo geedkan Garanwaa quruxdiisa cagaaran, calafsiga xoolaha ka sokow xataa aynu dhuxul ahaan u isticmaali karno. Inuu dawladaha hoose ku boorriyo inay geedka dhowraan.
Laakiin nasiib darro wuxuu u hadlay sidii madaxda dawladaha hoose iyo maayirada oo ah in geedku yahay Garanwaa, sidaa darteed u mutaystay in lala dagaalamo.
Waxa hadalkiisa ka muuqday inuuna aragti dheer lahayn, illeen haddii geedka la dabargooyo isna warshaddiisu way fadhiisani. Mise qudhaca iyo sogsogta ayuu ugu tala galay warshadda?
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker