SHEEKADII QABAALKA Q2AAD: W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

Dad allow Nin iyo qabaal miyaa layskugu aaraa, mase suurawdaa mise inaguunbay inaga suurawday oo Somali ka dhex dhacday, hada wax is agyaal maxamed oo meyd ah iyo qabaalkii oo jaban, labada beelood ee ay ka kala dhasheen cumar iyo maxamed waa wada yaaleen markii ay maqleen wixii dhacay waa kala guureen oo sansaan colaadeed ayaa geyigii laga dareemay, beeshii maxamed waxay uguureen bari waxaanay maalintaa gudoonsadeen dagaal ay ku qaadaan beeshii cumar aadan.

Waxlawada beeshii cumar waxay gudoonsadeen inay colaadaas damiyaan oo ay bixiyaan magtii maxamed cabdalle liibaan, markiiba waxa ayaamo lagusoo ururiyey magtii waxaana loo yeedhay aadan galaydh oo ahaa aabaha dhalay cumarka waxdilay markii geelii lasoo tubay ayaa aadan lagu yidhi aadanoow geelii magtu waa kaa ee waxaa ka dhiman tuludii (hashii) aad adigu ku dari lahayd, arintaas oo uu diiday aadan galaydh oo aan hore usoo sheegnay inu ahaa nin kibir taabtay cabsina aan eebe weyne mooyee cidkale ka qabin, waxbadan ayaa laysku dayey in loo caqli celiyo balse diid inu bixiyo hashii kaga soo aaday magtii ninkii inankiisu dilay.

Cumar oo ahaa ninkii waxdilay ayaa ku yidhi aabihii aadan galaydh aabo hasha sadex shay ku bixi:
Waa ta 1aad ninka anigaa dilee hasha bixi
Waa ta 2aad ninku waa sokeeyee hasha bixi
Waa ta 3aad talada reerka anigoo 12jir ah Ayaan galee anigoo 20jir ah ha iga saarine hasha bixi.

Hadalkii inankiisa wuxu uqaatay aadan galaydh nacasnimo halkaas oo uu ka yidhi odhaah caan noqotay oo ahayd: (waar waxa ifka laguma dile ma uur hooyo ayaa lagu dilay) odhaahdaas ayaa udambaysay waxaana ay goosteen nimankii tolka la ahaa aadan galaydh inay geelooda ceshedaan ileen aadan oo dilka inankiisu gaystayba shido ma qabee, nin waliba wuxu kaxaystay geelii uu markaa ka hor usoo saaray magta.

Maxaad ka filaysaa beeshii maxamed laga dilay? Waxay dhowraanba ergo waxay goaansaden inay ka aargoostaan reer aadan galaydh, aadan ayaa ku yidhi inankiisii cumar orodoo geela ukexee hawd hadalkaas oo cumarna hawraarsan ku yidhi, cumar oon ilaawin wixii uu gastay ayaa geelii kexeeyey,meel dhexe markii uu cumar geelii sii wado ayaa waxa lakulmay niman duulaan ah oo doonaya inay ku duulaan beeshii aadan galaydh waxaanay mar kaliya warmaha ku boobeen cumar oo dileen dabadeedna iska noqdeen, goobtaas lagu dilay oo ahayd bali buuhoodle u dhow ayaa ilaa hada loo yaqaanaa baligii cumar aji waxaana la xasuustaa sheekadoodii markasta oo baligaa la agmaraayo.

Maxaa laga filayaa aadan galaydh oo inankiisii la dilay?.
Dagaal abaa la oogsaday waxa dhacay dagaalo googoos ah oo dhexmaray labada beelood, tiro lama eegaayo dagaalka ee waxaa la arkaa cida la eryo ee maalintaa laga golroonaado. Aadan ayaa wuxu maalin qabtay afar nin oo uu ay habarwadaag ahaayeen kana soo jeeda beesha cumar dishay wuxu damcay inu afartaba dilo laakiin odayadii beesha aadan ayaa talo ugu soo jeediyey inaanu wada dilin afarta ee uu mid u reebo islaantii dhashay si uu biyaha ugu dhaamiyo waanu yeelay markiiba wuxu warmaha ku rideeyey 3kamid ah ragii walaalaha ahaa waxaanu iska sii daayey nin la odhan jiray boos.

Intaa kadib waxa dhacay dagaalo googoos iyo gaadmo ah, ayaamo badan ayaa fooda lays daray, guryo badan oo rag ah ayaa haawaday dumar aan yarayn ayaa asay xidhay, caruur aan yarayn ayaa agoontoowday, goblan iyo guryo ba’ay ayaa labada geesba lasoo daristay, dagaaladaas yaryar waxa kusoo shaacbaxay boos ilaawe oo ahaa ninkii aadan galaydh uu sadexdiisii walaal dilay ee uu marqudha dhegta dhiiga u daray, dagaalada dhexdooda ayuu muujiyey inu yahay nin nin ah oo geesiya loona aqoonsaday, boos ilaawe isagoo isu diyaarinaaya dagaalo waaweyn ayuu usadcaalay nugaal oo ahayd xaruntii fardaha laysku halayn karayey ay ku noolaayeen lagana soo iibsan jiray, wuxu ka soo iibsaday faras uu siistay 9qaalmood faraskaas oo la odhan jiray boos ilaawe . Nimankii boos ilaawe duulaan badheedh ah ayaa ay soo qaadeen waxaana dhacday goobta weyn ee lagu hoobtay ee la magac baxday daboolan, inkasta oo labada maydku gagnaa hadana waxa maalintaa la basiyey beeshii aadan galaydh oo nin karmeedkoodii dhegta dhiiga loo daray. Ayaamo kadib ayaa aadan wuxu isna u kacay dhinaca nugaal oo u doontay faras fardo ka amaanan waxaanu helay oo iibsaday faras qadawlaaye loo bixiyey hawd dhan caan ka noqday, waxaanu aadan faraskaa ka bixiyey 12qaalmood oo quruxdooda aad yaabto.

Aadan galaydh iyo beeshiisii ayaa hadana duulaan bixisay oo weerartay beeshii boos ilaawe waa ayaanba ayaane maantana waxa la basiyey beeshii boos ilaawe, iyadoo la eryano boos ilaawe beeshoodii ayaa wuxu aadan galaydh meel dhinac ah ka arkay faraskii boos ilaawe wuxu kasoo daba daayey faraskii qadawlaaye markii uu lasiman yahay, ayuu si fiican u qabsaday kaalkii iyo warankii si ugu xabaalo boos ilaawe laakiin nasiib daro faraskii ayaa hore u booday isagoo moodaya in lagu dhufanayo ul si uu hore ugu dheereeyo, markiiba wuxu yara dhaafay faraskii boos ilaawe, boos ilaawe oo aad u digtoonaa ayaa markiiba waran misigta kaga xabaalay aadan galaydh oo markiiba faraskii ka dhacay.

Isagoo faraskii xadhigiisii haysta aadan galaydh ayaa waxa soo gaadhay niman beeshiisa ah markaas ayey ku yidhaahdeen waar aadan BAL waran sidee wax kuu gaadheen, aadan oo markaa naftu kasii baxayso ayaa ku jawaabay (markaan Tamar hayeyna talo ma hayn maantoon talo hayana Tamar ma hayo aduun I khatal).
Odhaahdaa oo waagii dambe caan noqotay ayaa noqotay maahmaah wax ku qaadasho leh.

 

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker