Tallooyin wax ku ool ah oo ku saabsan ka hortaga xanuunka Covid-19

Sida Gudiga Qaran ee Covid-19 iyo xeeldheerayaasha caafimaadka aynu ka fahmi karno, xannuunkani, inaga ahaan, waxa aan yeeli karnaa waa ka horteg uun maadaama duruufaheena nololeed iyo waxa inoo diyaarsani ayna la legdami karin marba haddii uu fayrisku oodda kasoo boodo. Ka horteggaasi waa waxa la guddoonsaday ee isku imaatinkiina loo xayirayo, wacdiga faraxalka saabuunaysanna loogu celcelinayo.
Xilligani waa xilliyada umada bedqabkeeda iyo wada-jirkeedu ka qiimo badan yahay macaash raadin, dhaliilid, ku jiqsiin, iyo xajiimaynba. Waa xilli aan u baahannahay inaan xooga saarno dedaalka ka horteggu sidii uu u guulaysan lahaa inagoo dabcan la wadaagayna wixii talo ah hay’adaha inoo dhisan sida guddiga, bahda caafimaadka, baraha bulshada iyo warbaahinta kaleba.
Saamaynta Covid-19 kuma eka caafimaade, waa mid u gudbaysa dhinac dhaqaalena (haddaanay sii dhaafinba!). Haddaba, inagoo ogsoon in dadkeena badankoodu ay ku tiirsan yihiin dakhli bileed ama maalmeed, oo haddana og in goobihii shaqo, dugsi ama barkulan ee la iskugu iman jirey il dhaqaale u ahaayeen dadkeena qaarkood, garanaynana in dawladdeenu aanay bixin karin wax la mid ah waxa dawladaha kale ku bixinayeen si dadkoodu u joogaan guryaha (dawladda mishaharka ay bixiso ayaaba daliil kuugu filane), waxaan soo jeedin lahaa in bulshadu iska warhayso dhaqaale ahaan oo reer waliba iska xilsaaro:
1. In xilligan uu si dhaw uga war hayo jaarkiisa iyo qaraabadiisa duruufahani saameeyeen.
2. In la isku debciyo ururinta kirada guryaha iyo kharashyada kale ee joogtada ah sida biyaha iwm.
3. In aan lagu qamaamin urursi iyo keydsi raashimeed oo soo dedejin kara waxa aan kasii baqayno – oo ah in raashin qaaliyoobo ama la waayo.
4. In daaradaha guryaha, intii suurtogal ah, cuntada lagu beerto.
Haddii dantii guud (oo imika ahaan ah yaraynta iyo tirtiradda ururka dadweynaha si aan xanuun u faafin, waaba hadduu ina soo galee) iyo tii gaar ahaaneed (oo noqon karta kuwa risiqa loo dhex dhigay meelo dad ku urursan yihiin) ay iska horyimaadeen, waa inaynu u fudaydino arrimaha qofkan noloshiisu cidhiidhiga gelayso intii aan u awood sheegan lahayn. Waa dhammaanteen badbaadadeena waxa qofku shaqadiisii uu ku sharfanaa ee xalaasha ahayd uu u joojinayo. Taa bedelkeeda, waa inaan dhawrannaa kuwaa ina dhawranaya!
Carinta dhammaanteen inoo taal ma aha sanadka kuugu fog ee aad sawirkaaga heli karto. Waa helidda guriga iyo ehelka kuugu dhaw ee aad duruufahaas la jibaaxi karto…
Alle inooma keeno.
Mukhtaar Xasan Maydhane

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker