Arrimo caqabad ku noqon kara la tacaalista Coronovirus

Xawaaraha uu xanuunkani ku faafayo iyo khatarta uu u leeyahay nolosha aadamaha ayaa kallifaya in mar kasta la qaado tallaabooyin la filayo in ay sabab u noqon karaan ka badbaadistiisa, ama ka bogsashadiisa.
Haddaba, tallaabooyinka ay tahay in lagaga hortago Covid-19 ama in qofka uu hayaa uu ku waajaho si uu uga bogsado, waxaa ka mid ah:
1. Sigaar nugista.
2. In qofku isku dayo in uu isagu is daweeyo. Gaar ahaanna in uu cuno dawooyinka Antibayootik ah.
3. In marada af / san xidhka dhowr jeer la isticmaalo.
KANEECADU MA GUDBISAA XANUUN?
Maya! Kaneecada oo qaniinta qofka xanuunka ‘Covid-19’ qabaa uma gudbin karto qof kale oo badqaba oo ay qaniinto.
QABOWGA BARAFKA AHI MA DILAA CARONAVIRUS?
Qabowgu heer kasta oo uu gaadho, iyo si kasta oo uu baraf u noqdo awood uma laha in uu dilo Fayraska Karoona.
HAWADU MA QAADDAA FAYRASKA KAROONA?
Inkasta oo uu Fayraskani awood u leeyahay in muddo uu ku dul noolaado oogada walxaha uu gaadho, haddana cilmi ahaan lama aaminsana in uu ku gudbo hawada. Marka laga tago dhibcaha ka soo baxa sanka ama afka qofka isaga oo xanuunkan qaba hindhisa ama qufaca, ma jirto si kale oo uu Fayraskani u awoodo in uu hawada dhex sabbeeyo oo qof masaafad kale u jira gaadhi karo.
Waxa se la ogyahay in Fayraskani uu qofka ka geli karo afka, sanka ama indhaha, haddii gacmihiisa oo fayraska sida uu qofku is taabto.
Al Jazeera Channel – قناة الجزيرة/World Health Organization (WHO)
Kamaal Axmed Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker