Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha dagaallo culus oo ka dhacay Deegaan ka Tirsan Gobolka Baay

Baydhabo (OWN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaallo maanta ka dhacay deegaanka Deynuunaay oo Qiyaastii 25 KM dhinaca bari ka xiga magaalada Baydhabo oo Xarunta KMG ah Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Dagaalka koowaad oo dhacay saaka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi, iyagoo kala wareegay ciidanka dowladda.

 

 

Al-Shabaab dagaalyahannadeeda ayaa muddo kooban waxay ku sugnaayeen Deynuunaay, iyagoo meel fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka.

 

Wararka ayaa sheegaya in kadib weerar Rogaal celis ah oo ciidanka dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ku qaadeen halkaasi, kadibna uu markale dagaal saacado badan qaatay uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku fara saaray.

Ugu yaraan illaa lix askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda ayaa dagaalladan ku dhintay, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiishaa ayaa tilmaamay inay dib u qabsadeen gacanta ku heynta deegaankaan oo ah mid istaraatiiji ah, kuna yaalla gobolka Baay.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalladaasi, balse xaaladda ayaa ah weli mid aad u kacsan.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku yaalla gobollada Baay & Bakool.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker