Uk oo Ganaax Lacageed Dul dhigtay Qorkii Banaanka lagu Arko

Dawlada Ingiriiska ayaa shaacisay in Ganaaax lacageed oo  oo u dhiganta  35 doolar la dul dhigay qof walba oo ku Xadgudba xakamaynta Dhaqdhaqaaqa iyo digniinaha Caafimaadka ee ay dawladu ku dhawaaqday.

 

Raysal Wasaare Boris ayaa xalay sheegay in dhaqdhaqaaqu dhamaantii uu mamnuuc yahay marka laga reebo adeegyada lagama maarmaanka ah iyo Adeegyada Caafimaadka oo kaliya-na ay Muwaadiniintu banaanka u aadi karaan.

 

“Xeerkan cusub ee dhaqdhaqaaqa Xakamaynaya waxa uu dhaqan gali doonaa maalinta Khamiista ah, waxana uu waxa ka dambeeya booliska awood u siin doonaa inay ganaaxaan cid walba oo u hogaansami wayda codsiyada xakamaynta dhaqdhaqaaqa”ayuu yidhi Afhayeen u hadlay dawladu.

 

Waxana uu intan ku daray boolisku waxa ay fasax u haystaan inay qaadaan talaabo walba oo ay ku xakamaynayaan kulanada la mamnuucay iyo inay Ganaaxaan cida ku xadgudubtay codsiyada ah in guryaaha la joogo”

Talaabdan u dambaysa ayaa ah mid ay UK doonayso inay ku xakamayso fiditaanka Coronavirus ee dalkeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker