Sidee dunidu u eekaan doontaa COVID19 kadib?

Su’aasha ugu weyn ee khubarada aduunku maanta midba gees ula kacayo ee hor taalaa waa “Sidee dunidu u eekaan doontaa COVID19 kadib”?.

Si dhab ah ayaa la iskugu raacsan yahey in lagu guuldareystay joojinta faa’fida cudurkan wax kasta oo la sameeyay, waxaan sidoo kale la isku khilaafsanayn in la waayey hal wadan oo dunida la baxsada sidii Ebola uu mareykan doorka weyn uga ciyaaray 2014-kii, waxa sidoo kale soo daahirtay in lagu guuldareystay kulan muuqaal ahaa oo lagu balamey si khatartan dunida wada-tashi caalami ah looga yeesho, waxa yadna warwar-badan laga qabaa sii jiritaanka edagayntii dunida (Globalisation), waxa la saadaalinayaa in ururo badan burburi karaan sida EU-da oo xaaladan waxba ka qaban kari weydey, waxa la isku wada raacsan yahey in dunidu waajaheyso masiibadii ugu darneyd qarniyo badan kadib, waxan muran ku jirin masiibada dhaqaale ee la geli doona, ugu danbeyn waxa isku meel laga taagan yahey in dunidan aynu hada joogno ayaan sii joogeyn oo aynu u qolof-dhacsan doono duni tan ka duwan dadka intooda badan wey badbaadi doonaan, rojo fiican!.

Herari wuxuu ku doodayaa in dunida caqli daro xumo oo hogaanxumo weheliso ka dhacdey sanadkan, wuxuu ina leeyahey bini’aadamku waxay garan waayeen xuduuda ay tahey in la xidhaa ta ay tahey, wuxuu leeyahey xuduuda mudneyd in la xidhaa waa ta u dhaxeysay Human Species iyo Virus Sphere, bini’aadamku waa mid waxaaney xuduudo la-leeyihiin fayrasyo badan, cidna damaanad u heli mayso in ay ka badbaado cudurkan, waa hadii aanan erayga Pandemic qalad fahmin, Afsoomalina u dhaw gaagma-reeb, ma cidbaa dayaxa ka degi karta cudurkan? Waa maya.

Waxaa xusid mudan sida horumarka tiknoolajiyada ee lagu talaabsanayay sanadihii u danbeeyay uu xanuunkani doorka muhiim ah uga qaatey, Biometric waa nidaamka cusub ee China ku xakameynayo ilaa hadda cudurkan, wuxuu ka faa’ideystay awooda Algorithm-ka, sanadihii u danbeeyay waxa lagu hawlanaa sidii kor loogu qaada lahaa tiknoolajiyadu in ay fahanto dareemaha bini’aadamka sidoo kale ay cabiri karto heerkulka maqaarka bini’aadamka, China waxa uu ka faa’ideystay taasi, qof kasta oo sita moobil casri ah mar kasta oo uu taabto muraayada moobilkiisa waxa la diwaangelinayaa heerkulka jidhkiisa, qof kasta u dhawaada qofkii laga shikiyay waxa la siinayaa fariin digniin ah, waatan sirta uu helay China, Benjamin Netanyahu ayaa isna ciidamadiisa sirdoonka ku amri rabey arintan balse baarlamankiisa ayaa ka hor yimid.

Waxa la gaadhey wakhtigii la aamini lahaa aqoonta sayniska oo sanadihii u danbeeyay jalaafo lagu hayay, waxa yadna lagu qasbanaadey in xoog loo maqlo warbaahinta oo yadna sanadihii u danbeeyay laga faafiyay dacaayado ah in aan aad loogu kalsoonaan karin, balse hada waa lagu qasbanaaday, sidoo kale waxa cadaatay in aan siyaasiyiin badan dhageysigooda la isku haleyn karin oo ay dadka halaagi karaan, Biixi ayaa ka mida oo u jawaabaya Farmaajo, Trump iyo BOJO ayaa safka sare kaga jira kuwaa.

Dunidu waxa ay qarnigii 19-aad ogaatey faa’idada gacmo meydhashadu leedahey, kahor dhakhaatiirta qaar ayaa dhawr qaliin ku geli jirey yagga oo aan dhaqin gacmahooda, cudurkani dunida cusub ee ka danbeysa isagga waxa uu bari doonaa faa’idada ay leedahey in gacmaha la dhaqaa, waana guusha ugu weyn ee bini’aadamku ka gaadhey sayniska ilaa hadda, kumanaan nafood ayaa ku badbaadi kara Alcohol gacmaha lagu dhaqdo.

Dunida maanta laba doorosho uunbaa hor yaala in ay midowdo oo edagaynta ay qaadato oo ay ka adkaato Coronavirus iyo cudur kasta oo la jiin ah iyo in ay kala-firdhad qaadato oo wadamadu been isku sheegaan ah in ay keligood is bixin karayaan, waxa loo baahan yahey in la wadaago xogaha, wadanka awooda badani ka taagta daran uu caawiyo, Harari wuxuu ku doodayaa in maanta loogu baahi badan yahey iskaashi, maanta may aheyn maalin USA dib u baxdo weyse dhacdey ee halaga danbarsado dacar qadhaadh.

WQ: Buuni Cabdi Abiib

Dhamaad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker