Sheeko: Korona fayras iyo Kadeedkii Lammaanaha Wuuhaan Qaybtii 5aad

Saacaddu waxa ay ku taagan tahay 2:30 saq-dhexe ee habeenimo, waxa dhacaya tilifoon-gacmeedka Zhang, inta ay hurdadii ka soo boodday ayaa ay eegtay, mise waa Li, Alla naxdin waynaa!

– Uhuhuhu…Zhang…… naqaskaa igu dheggan oo ma neefsan karo, xoog ayaanan u ..uhuhuhuhuhuh. xanuusanayaa ee i soo gaadh malaha waan dhimanayaaye..

– Li.. Li.. Li qaaligaygii maxaa ku helay? … immikaan ku soo gaadhayaa naftaada ii ilaali noloshaydiiyoow

– Waayahay qaalidaydiiyeey… ii soo dhakhso .. Uhuhuhu

Mar kaliya ayaa ay jidhidhico ku istaagtay ogadeedii sare, naxdin iyo werwer ayaa iskugu darsamay, ilmo kulul ayaana shagax ka soo tidhi indhaheeda, way kaacaa fadhiisatay sidii qof khalkhalay, wadnaheeda garaaca ka baxaya wuu maqli karayaa qofkii u jirsada hal tallaabo. Inta ay boodday ayaa ay dharkeedii isku taagtay, gaadhigeedii ayaanay hore ugu dhacday, iyada oo ku kaxaysay xawaare aad u sarreeya!

Orod ayaa ay kaga daadegtay, waxa aanay u kacday dhankii albaabka, muddo 1 mirir ah oo ay garaacaysay albaabka iyada oo cod dheer ku leh “ Iga fur albaabka gacaliyahaygiiyoow waan kuu imide”

Inta uu soo guurguurtay, isaga oo sanka iyo indhaha biyo ka socdaan oo duufkii iyo ilmadii isku darsan tay ayaa uu dirqi ku furay, mar kaliya ayaana uu miyir doorsoomay oo uu dhulka ka soo go’ay. Iyana inta ay anfariir daysay ayaa ay naxdinteedii dib u liqday, waxa ayna u yeedhay oo ay u wacday qaybta gargaarka deg-dega ah ee cusbitalkii ugu dhawaa, isla daqiiqado kooban gudahoodna gaadhigii gargaarka deg-degga (Ambulance)  ayaa soo gaadhay oo dhuftay.

Waxa loo sheegay in uu baadhitaan marayo, lagana baadhayo cudur magaalada ku jira oo la yidhaahdo Korono fayras (Coronavirus19) lana xakamayn doono haddii laga helo, ilaa inta uu ka bogsanayo ama uu ka god galayo. Naxdintii ayaa ku soo laba kaclaysay Zhang, waxaanay diiday jiif iyo jog oo cusbitaalka dhexdiisa ayaa ay meeraysanaysay ilaa subaxnimadii laga gaadhayay, natiijada ayaa ay ka war sugaysaa oo waran ayaa ku taagan qalbigeeda! Markii ay saacaddu  maraysay 11:00 barqonimo, ayaa loo sheegay in uu Li ku dhacay cudurkan Magaalada ka dilaacay ee dilaaga ahi, sidaasna lagu xakameeyey oo aanay cidna u gali karin arki karinna; bartii ayaa ay ku indho madoobaatay oo ay iyana ku dhacday, koomana ku gashay!  waa la isku yaacay oo markiiba inta la saaray sariir ayaa loo diray shaybaadh, mise iyana waxaabay qaadday cudurkii korona fayraska!

Si xaaladooda si isku mid ah looga war hayo, waxa la iskugu dhaweeyey sariirihi ay saarnaayeen labadooduba, si wadajir ahna waxa loola tacaalayay xaladoodii. Waxa koomadii ka soo yar baxday Zhang, balse waa ay hadraysaa oo waxa ay leedahay “ Gacaliyahayga ha la ii geeyo si aanu meel ugu wada dhimano, macno ma leh noloshu la’aantii, li ma rabo in aan marnaba kaga hadho dhib kasta oo uu marayo.. Li.. Li.. Li.. waan ku jeclahay” ayaa ay cod aad u liita oo tabcaan ah ku leedahay. Xaaladooda oo aad u liidata darteed hawl-wadeenadii caafimaadku waxa ay u rareen hool weyn oo lagu dabiibayay dadka aadka u liita ee uu soo ritay cudurku, waana lala dedaalayaa. Magaaladu waa bandoo oo isku socodkii ayaa la xayiray, ehel iyo asxaab soo booqnayaana ma jiraan!

Xaaladu waa la iskuma baxaan, balse labadoodii ba meelna kumay kala hadhin oo waxa ay noqdeen; hal naf oo ku wada jirta laba jidh oo kala duwan!

La soco qaybaha danbe!

Fadlan la wadaag Asxaabtaada si aanay u dhaafin sheekadani ama ku mention-garee. mahadsanid.

#Tudhaale2020

 

Xamse Siciid Maxamed “Tudhaale”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker