Laacibada Mohamed Salah iyo Sadio Mane ” Masii joogi doonaan Liverpool

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa Loo sheegay inay si degdeg ah ugu Dhaqaaqdo Weeraryahanka kooxda RB Leipzing ee Timo Werner oo ay ka dhigato Saxeexa ugu horreeya ee ay samaynayso xagaaga,

 

khaasatan haddii uu yimaaddo Shaki muujinaya Inay tegayaan Mohamed Salah ama Sadio Mane.

Timo Werner oo ah laacibka labaad ee Horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga ugu Goolasha badan xili Ciyaareedkan.

 

Ayaa la sheegay in Liverpool ay Xiisaynayso, waxaana damaceeda sii dhiirigeliyey goolasha uu ka dhaliyey tartanka Champions League Waji ciyaareedkan oo ah Afar gool, iyadoo uu ahaa xiddigii sababta u Noqday in RB Leipzing ay ku tumato Tottenham ee Naadigiisa  geeyey wareegga siddeed-dhamaadka.

 

Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa u sheegay Liverpoo, in aanay wax waqti ah iska luminin ee ay sida ugu dhakhsaha badan ugu Dhaqaaqdo Saxeexa xiddigan iyadoo ay da’diisu yar tahay sida xiddigaha khibradda badan u dheelaya.

 

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Instagram, ayuu Ferdinand ku yidhi: “Werner waxaan daawaday kulankii Champions League ee Spurs oo aan si toos ah ula socday. ‘Wow, wiilkani waa wax kale’.

“Dhaqhaqaasiisa, wuxuu u Egyahay qaan-gaadh, wuu degdeg badan yahay, waxaanu dhalin karayay gool kale ciyaartaas.

“Waxaan ka helay sida uu u Dhaqaaqo, boos kaliya kuma Ekaado. Marka aan Eego weeraryahannada, waxaan ka fikiraa, ‘miyaan raaxaysan lahaa haddii aan isaga ciyaar kaga hor tegi lahaa?’ Waxa uu ku fiican yahay dhaqdhaqaaqiisa, waana weeraryahan toos ah”

 

Rio Ferdinand oo kasii hadlaya dhaliyahan, waxa kale oo uu yidhi: “Haddii aan Liverpool ahaan lahaa, boqolkiiba boqol isaga ayaan soo qaadan lahaa. Haddii saddexdooda afka hore uu midkood dhaawacmo oo uu muddo maqnaado, ma heli karayaan beddelkooda. Sidaas oo kale, shaqadii uu qabtay Origi gaar ahaan Champions League, wax badan oo kale ayaan ka dooni lahaa isaga haddii aan Liverpool joogi lahaa.”

 

Laacibkan hore oo hadda ka mid ah khubarada faallaysa ciyaaraha, waxa uu sheegay inay u badan tahay in Salah uu ka tegayo Liverpool, sidoo kalena la iibin doono Mane, waxaanu yidhi: “Salah waxa laga yaabaa in aanu muddo dheer sii joogin. Sidoo kale, Mane ayaa laga yaabaa in la iibiyo, waxaana jira ciyaaro ku filan xili ciyaareedakn oo Werner ku riixi karaya inuu dhinacooda yimaaddo oo safka hore ugu soo bilowdo

 

Werner ayaa la rumaysan yahay in kooxdiisa RB Leipzing aya ku iibin doonto lacag dhan 50 milyan oo Gini, laakiin hubanti la’aanta uu keenay xanuunka Coronavirus ayaan la ogeyn waxa suuqa iska beddeli doona dhamaadka xili ciyaareedka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker